Ereyga Maanta: tabatabbo
luufluufsanaansho ld luufluufsanaan.
luufood (bot.) Geed ka mid ah geedaha beeyada dhala.
luul Carrab calalinta ay carruurtu carrabka calaliso.
luul (1) Iniino kulkulucsan, sida dhagaxa u adag oo cad ama midab kale leh aadna qaali u ah, kuna dhex jira laba qalbac oo dhulman ah oo laga helo badda gudaheeda.
luuli (1) L. ah: qurux, xarrago.
luuli (2) Xarig giijin.
luulid eeg luul.
luulin eeg luuli².
luuliyo Sanad qorraxeedka bishiisa toddobaad; juulaay.
luuman (fiis.) (halbeeg) Summad: Lm. Halbeegga caalamiga ee burqad iftiimeedka, loona qeexo burqadka iftiinka ee ka soo kaaha bar iftiin oo itaalkeedu yahay hal kandeela (cd), una baahaya hab toobineed leh xagal adke oo ah hal istaraadiyan. Sidaas awgeed, 1 lm = (1/4Ò)cd.
luumbi Ciyaar dhaqameed lagu jidboodo oo laga yaqaan degaanka Banaadir, muusikadeeduna waa shareero, durbaan iyo codad kala duwan. ld nuumbi.
luun (1) 1. Dhudda uu ku taaganyahay geed meseggo ama gallay. 2. Qolof iyo xayaabo layiig ah oo qof aad u harraaday faruuryihiisi yeeshaan; jiil. 3. Hammuun, qadsanaar.
luun (2) Tib xoog leh oo sabuulka meseggada lagu shukulo.
luunqabad ld dhuunqabad.
luuq (1) Wadiiqo yar oo aad ciriiri u ah hareerahana guryo ka xigaan.
luuq (2) 1. Cod gaar ah oo gabayada iyo heesaha lagu qaado; cod lagu dheeraysto oo laga xareediyo. 2. ld laaq¹.
luuq (3) (nax.) Weer qaybaheeda kala leh luuq kala duwan.
luuqad Af ay ummadi leedahay oo ay isku fahmaan. ld luqad, luqo, luuqo.
luuqayn eeg luuqee. ld luuqays, luuqin.
luuqays ld luuqayn.
luuqee Ku l.: hees ama gabay iwm cod macaan ku qaadid.
luuqi ld luuqee.
luuqin ld luuqayn.
luuqo ld luuqad.
luusluus (1) 1. Liqid la liqo cunto iyadoo aan la ruugin. 2. L. ah: qof waayeel ah oo tallaabada iyo waxqabdkuba dhibaan.
luusluus (2) Cunto iwm iyadoo aan la calalin liqid.
luusluusad ld luusluusasho.
luusluusasho eeg luusluuso. ld luusluusad.
luusluusid eeg luusluus².
luusluuso Cunto iwm iyadoo aan la calalin liqid.
<< < 977 978 979 980 981 982 983 984 985 986 987 > >>