Ereyga Maanta: maddooyamaddooyo
mayraco 1. (f.g) Xoolo fiid daajisasho. 2. (f.mg) Goor galab ah daaqid (xoolo).
mayran (1) 1. Wax la mayray noqosho. 2. Dhar iwm midab bixid.
mayran (2) Wax la mayray ahaansho.
mayraq Saddexda feerood ee sararta u hoosaysa iyo hilibkooda oo iswata (geel).
mayraqsan Qof aad u jilicsan ahaansho.
mayraqsanaan eeg mayraqsan. ld mayraqsanaansho.
mayraqsanaansho ld mayraqsanaan.
mayrasho eeg mayro².
mayrax Isku jirka jillawda iyo mullaaxda. ld maydhax¹.
mayraxsad ld mayraxsasho.
mayraxsasho eeg mayraxso. ld mayraxsad, mayraxsi.
mayraxsi ld mayraxsasho.
mayraxso Mayrax diirasho.
mayricid ld mayracid.
mayrid eeg mayr². ld mayrniin.
mayrmid eeg mayran¹.
mayrnaan eeg mayran². ld mayrnaansho.
mayrnaansho 1. eeg mayrnow. 2. ld mayrnaan.
mayrniin ld mayrid.
mayrnow Wax la maray noqosho.
mayro (1) Geed timirta, baarta iwm u eg oo caw jilicsan baxsha; maniiqo. ld mayr¹.
mayro (2) 1. (f.g) Wax, sida dhar iwm biyo ku dhaqasho. 2. (f.mg) Qubaysasho (qof).
mayruuf (1) Daal iyo rafaad.
mayruuf (2) Daal iyo rafaad la kulmid.
mayruufi Daal iyo rafaad badid (nafley).
mayruufid eeg mayruuf². ld mayruufis².
mayruufin eeg mayruufi. ld mayruufis¹.
mayruufis (1) ld mayruufin.
mayruufis (2) ld mayruufid.
maysiiliyam (bot.) Hayfa wada shaqeeya oo sameeya jidhka fangaska. Wuxuu ka koobanyahay hayfa quudiye iyo hayfa taran oo wada jira, kaas oo dhala boodhsidayaal iyo gaametajiyam.
<< < 1050 1051 1052 1053 1054 1055 1056 1057 1058 1059 1060 > >>