Ereyga Maanta: kaahin
barax (2) 1. Caano biyo ka yar ku darid. 2. Xoolo, bardooddan samayn.
baraxume Nooc libaaxbadeed ka mid ah oo xilliyada qaarkood u soo erya kalluunka badda xeebta. ld barixume.
barbaar (1) Nin dhallinyaro ah oo aan weli guursan.
barbaar (2) Dhallinyaro rag iyo naago leh oo aan weli guursan.
barbaar (3) Barbaar noqosho; korid.
barbaari 1. Barbaar ka dhigid. 2. Jir, garaad, anshax iwm ee ubad, dhisid; korin; tababbarid.
barbaarid eeg barbaar³. ld barbaaris.
barbaarin eeg barbaari.
barbaaris ld barbaarid.
barbaariye Qof aqoon u leh barbaarinta dhallaanka.
barbaarnimo Barbaar ahaansho.
barbar (1) Dhinac. ld berber¹.
barbar (2) ld dardar³.
barbarafow (fiis.) Heerkulka hoor iyo wejigiisa adkuhu ay noqdaan kuwo isku dheelitiran, iyagoo ku sugan cadaadis beegal ah. Heerkulkaas wixii ka hooseeya hoorku wuu barafoobaa ama adkaadaa.
barbaran ld dardaran²..
barbarda' (1) Daruur biyeysan oo cirka badi ahaan qarisa..
barbarda' (2) Roob si aad ah u da'id.
barbardhac (1) 1. ld barbartan 1. B. ah: labo qof, koox ka badan oo tartan ku kala badin waayey. 2. ld barbardhicid.
barbardhac (2) Labo qof, koox ama ka badan tartan ku kala badin waayid. ld barbarradhac².
barbardhicid eeg barbardhac². ld barbardhac¹, barbarkadhac, barbarkadhicid, barbar.
barbardhig Labo shey ama ka badan qiimahood, tayadooda iwm isu eegid. ld isbarbardhig².
barbardhigid eeg barbardhig. ld isbarbardhigid..
barbardi'id eeg barbarda'².
barbarid ld dardarid.
barbarkadhac ld barbardhicid.
barbarkadhicid ld barbardhicid.
barbarnaan ld dardarnaan.
barbarnaansho ld dardarnaan.
barbarradhac (1) ld barbardhicid.
barbarradhac (2) ld barbardhac².
<< < 107 108 109 110 111 112 113 114 115 116 117 > >>