Ereyga Maanta: jeeraarin
nabadsugid Ciidan ka tirsan ciidammada qalabka sida oo u xilasaaran la socoshada deggenaanta iyo nabadgelyada dalka.
naban (1) Timo, ciid iwm la nabay noqosho.
naban (2) 1. Timo, ciid iwm wax la nabay ahaansho. 2. Wax meel ku dheggan ahaansho.
nabar (1) 1. Dillaac haragga ama jidhka gaadha dhaawac ku dhacay awgeed; qoon. 2. Raad uu qofka ku reebo dhaawac bogsaday. 3. Kol; mar. 4. Ooddin; aydin; qabatin.
nabar (2) Cid jug, dhaawaq iwm. gaarsiin.
nabar-kul (daaw.) Awood darro iyo joog ka dhicid ay keeneen hoos udhac cadaadiska dhiigga iyo tirada dhiiggaba. Waxaana u sabab ah biyo badan iyo cusbooyin oo jirka ka baxa kul aad u badan oo dheeraada ama aan loo baran awgiis.
nabaraan Libaax badeed madow oo halis ah. ld neberoon.
nabarrayn eeg nabarree.
nabarraysan Wax nabar ku dhacay ahaansho. ld nabaraysan.
nabarraysnaan eeg nabarraysan. ld nabarraysnaansho, nabaraysnaan, nabaraysnaansho.
nabarraysnaansho ld nabarraysnaan.
nabarree Wax nabarro gaarsiin.
nabas 1. Meesha u dhexeysa jidhka iyo marada dumarku garraarsadaan ee ku abbaaran caloosha. 2. Timaha ka baxa gumaarka dadka; bisqan. ld namas.
nabdaad Cabsi yar darteed hurdo ka kicid; hambabbaar.
nabdaaddi (1) Salaan.
nabdaaddi (2) Cid salaamid; bariidin.
nabdaaddin ld nabdaaddiyid.
nabdaaddis ld nabdaaddiyid.
nabdaaddiyid eeg nabdaddi². ld nabdaaddin, nabdaaddis.
nabdaadid eeg nabdaad.
nabdaado Salaan; bariido.
nabdaado (1) Si cabsi ku jirto uga kicidda hurdada.
nabdaysad ld nabdaysasho.
nabdaysasho eeg nabdayso. ld nabdaysad, nabdaysi.
nabdaysi ld nabdaysasho.
nabdayso Cid salaamid.
nabdi 1. Dad colaadi dhextaal heshiisiin. 2. Cid salaamid.
nabdid eeg nabad².
nabdin eeg nabdi.
nabid eeg nab. ld naabid.
<< < 1115 1116 1117 1118 1119 1120 1121 1122 1123 1124 1125 > >>