qaab-dhuleed (jool.) Erey mararka qaarkood lagu isticmaalo in lagu muujiyo qaabka dhulka.
qaaban (1) 1. Wax qaab loo yeelay noqosho. 2. Wax fadhi badan ku curqay noqosho. ld qaabi (1).
qaaban (2) Wax qaab loo yeelay ahaansho.
qaabbil (1) 1. Docda wejiga ah oo soo jeedda. 2. Cid ka hor imaad, soo dhoweys. 3. Qaabbilkayga: hortayda, tooskayga.
qaabbil (2) 1. Cid la kulmid. 2. Cid la shirid, cid soo dhoweyn.
qaabbilaad Kulan laba qof ama ka badan dhex mara.
qaabbilid eeg qaabbil(2).
qaabbilo Maalinta uu dirirku la fadhiyo dayaxa oo dadku aaminsan yihiin in ay tahay maalin cawo leh.
qaabbilsan 1. Qof wax u qaybsan ahaansho. 2. Wax, wax kale ku aaddan ahaansho.
qaabbilsanaan eeg qaabbilsan. ld qaabbilsanaansho.
qaabbilsanaansho ld qaabbilsanaan.
qaabbilsii Wax, wax kale ka horgeyn.
qaabbilsiin eeg qaabbilsii.
qaabdaran Wax qaab xun ahaansho.
qaabdarnaan eeg qaabdaran. ld qaabdarnaansho.
qaabdarnaansho ld qaabdarnaan.
qaabdarri ld qaabdarro.
qaabdarro Qaab xumaanta ay wax leeyihiin; qaabxun. ld qaabdarri.
qaabi 1. Wax qaab u yeelid. 2. Caano qaab ku darid. ld qaab², qaaban¹ (1).
qaabid ld qaabin.
qaabile-kiimikaad (baay.) Qaabile, kaas oo baadha jiritaanka kiimikooyin gaar ah. Noolayaashaas unug badanleydo ah waxay u tebiyaan wararka dareemaha dareen wadayaasha. Tusaale ahaan waxa ka mid ah ruqur dhadhannada.
qaabin eeg qaabi. ld qaabid.
qaabis 1. Garoorinta la garooriyo caano la doonayo in la lulo. 2. Q. ah: caana garoor ah.
qaablaawe 1. Aan qaab lahayn (wax). 2. Q. ah: qof aan hab wanaagsan u dhaqmin.
qaabmid eeg qaaban¹.
qaabnaan eeg qaaban². ld qaabnaansho.
qaabnaansho ld qaabnaan.
qaabsamaan eeg qaabsan¹. ld qaabsamaansho, qaabsami (2).
qaabsamaansho ld qaabsamaan.
qaabsami Xeelashada qaab wanagsan wax yeeshaan. ld qaabsamaan, qaabsamo.
<< < 1153 1154 1155 1156 1157 1158 1159 1160 1161 1162 1163 > >>