mųr Xubinta taranka ee haweenka.
mur (1) Kalluun aad u yaryar oo markaas ugxantii ka baxay oo lullumada qaabkeeda leh.
mur (2) Wadiiqo yar.
mur (3) Ka m.: orod cid kaga dheereyn.
muraad (1) 1. Dan; ujeeddo. 2. Allebari; sab.
muraad (2) U m.: cid ama meel dan ka yeelasho.
muraaddee Wax xaraashid ama qiimo jaban ku iibin. ld munaaddee.
muraaddeyn eeg muraaddee. ld munaaddeyn, munaaddo, muraaddo.
muraaddo ld muraaddeyn.
muraadi 1. Cid muraad u qumin. 2. Ducayn.
muraadid eeg muraad².
muraadin eeg muraadi.
muraadsad ld muraadsasho.
muraadsasho eeg muraadso. ld muraadsad, muraadsi.
muraadsi ld muraadsasho.
muraadso Soo m.: muraad qunsasho; danaysasho.
muraajaco Ku noqoshada duruus hore loo akhriyey, qoray, fasiray mar kale lagu noqdo.
muraaqo (dii.) Jidbo; burur.
muraaqoo 1. (dii.) U m.: arrin diimeed u jidboosho. 2. U m.: ciyaar u bururid.
muraaqood eeg muraaqoo.
muraaradillaac (1) Naxdin weyn oo lala argaggaxo; qarracan. ld marooradillaac¹.
muraaradillaac (2) Si aad ah u nixid. ld marooradillaac².
muraaradillaaci Cid si aad ah uga nixin. ld marooradillaaci.
muraaradillaacid eeg muraaradillaac². ld marooradillaacid.
muraaradillaacin eeg muraaradillaaci. ld marooradillaacin.
muraayad 1. Cad dhalo ah oo inta dhinac laga mariyo dheeh lacageed iwm layska arko; madarad; beladdaye. 2. (m.w) (-do, m.l) Laba dhalo oo si ah loo farsameeyey oo ku dhex jira bir ama caag wareegsan oo indhaha la gashado,si loo saxo indho arag diciif ah leh, ama looga celiyo nuurka xooggan ee qorraxda; okiyaale. ld miraayad, miraayo, muraayo.
muraayo ld muraayad.
murabbi ld marabbi.
muran (1) Dood aan layska gar qaadanayn oo asaraar miiran ah.
muran (2) La m.: si asaraar ku jiro cid ula doodid.
<< < 113 114 115 116 117 118 119 120 121 122 123 > >>