qayil (1) Cunidda qaadka.
qayil (2) Qaad cunid.
qayilaad Fadhi habeysan iyo sheeko ay dad badani qaad ku wada cunaan.
qayilid eeg qayil².
qayilsan Qof jaad cunay ahaansho.
qayilsanaan eeg qayilsan. ld qayilsanaansho.
qayilsanaansho ld qayilsanaan.
qayilsii Qof qaad ku filan siin.
qayilsiin eeg qayilsii.
qayir (1) Wax siday ahaayeen si ka duwan noqda ama laga dhigo; beddel; doorsan.
qayir (2) Wax midabkiisa, dhadhankiisa, urkiisa iwm. beddelid.
qayiraad Isbeddel ku yimaad midab, ur iwm.
qayiran (1) Wax midabkiisa, dhadhankiisa, urkiisa iwm beddelmay noqosho.
qayiran (2) Wax midabkiis, dhadhankiisa, urkiisa iwm beddelmay ahaansho.
qayirasho eeg qayiro.
qayirid eeg qayir².
qayirmid eeg qayiran¹.
qayirnaan eeg qayiran². ld qayirnaansho.
qayirnaansho ld qayirnaan.
qayiro Dhar beddelasho.
qayixid eeg qayax².
qayl Dameer yar oo lab.
qaylad Orgi waalay ah.
qayladdir U q.: war dhiillo leh cid u geyn.
qayladdirasho eeg qayladdiro. ld qayladdirsasho.
qayladdirid eeg qayladdir.
qayladdiro Cid si gargaar looga helo farriin u dirasho. ld qayladdirso.
qayladdirsasho ld qayladdirasho.
qayladdirso ld qayladdiro.
qayladdoon (1) Q. ah: cid meel dhiillo ka dhacday meel kale uga doona gargaar.
<< < 1204 1205 1206 1207 1208 1209 1210 1211 1212 1213 1214 > >>