Ereyga Maanta: hoolan
rigrigo (2) Weel rigrig ku tolasho.
riibi Dhuug; gendi.
riibibax (1) Qaxidda laga qaxo meelaha riibigu ka kaco.
riibibax (2) Meel riibi leh ka qaxid.
riibibixid eeg riibibax².
riibisheex Neef xoola ah oo cudurka riibiga guri ka ah.
riig (1) Mishiin culus oo ceelasha dhaadheer lagu qodo si biyo, macdan iwm looga soo saaro.
riig (2) R. ah: hilib dhaylo ah.
riigbax (1) 1. R. ah: weel gaaray waqtigii uu hooraha lagu shubo ceshan lahaa. 2. ld riigbixid.
riigbax (2) Weel waqtigii uu hooraha lagu shubo ceshan lahaa gaarid.
riigbixid eeg riigbax². ld riigbax¹ (2).
riiji 1. Wax liiliijin ama gilgilid. 2. Nafley nafaqo siin.
riijin eeg riiji.
riimid eeg riin².
riin (1) ld reen¹.
riin (2) ld reen².
riinje Quwaaxa meseggada nooca la ruugo oo macaan biyo badanna leh; kiinje.
riiq (1) 1. Iligga intiisa cirridka ku dhex-jirta. 2. Birta faaska inteeda dhuuban ee daabka la dhex-geliyo.
riiq (2) Adkeysiga loo yeesho orodka muddo dheer. ld riir².
riiq (3) 1. Badar cajiimid. 2. Dhuxul budlin si khad looga dhigo.
riiqan (1) 1. Wax riiqmay noqosho (badar, dhuxul iwm). 2. Neef xoolaad wax caato la socon waayey noqosho.
riiqan (2) Wax la riiqay ahaansho (badar, dhuxul iwm).
riiqasho eeg riiqo.
riiqid eeg riiq³.
riiqmid eeg riiqan¹.
riiqnaan eeg riiqan². ld riiqnaansho.
riiqnaansho ld riiqnaan.
riiqo 1. (f.g) Khad dhuxul ka samaysasho. 2. (f.mg) Neef caato la socon waayid.
riiqriiqasho eeg riiqriiqso. ld riiqriiqsi.
riiqriiqsi ld riiqriiqsasho.
<< < 1264 1265 1266 1267 1268 1269 1270 1271 1272 1273 1274 > >>