Ereyga Maanta: iimee
baysaqasho eeg baysaqo.
baysaqo Durduro iyo bardoodan sameyn (geel).
baytammaal (1) ld beytummaal¹.
baytammaal (2) ld beytummaal².
baytammaalid ld beytummaalid.
bayti 1. Baadi maqan xogteeda sheegid. 2. Baadi maqan xogteeda cid weyddiin.
baytimmaal (1) ld beytimmaal¹.
baytimmaal (2) ld beytimmaal².
baytimmaali ld beytimmaali.
baytimmaalid ld beytimmaalid.
baytimmaalin ld beytimmaalin.
baytimmaalis ld beytimmaalin.
baytin eeg bayti. ld baytis.
baytis ld baytin.
bayuur Ceeb aad u weyn; jiciir.
bayuurayn eeg bayuuree.
bayuuree Cid ceeb weyn gaarsiin.
beb Ciyaar lagu tartamay, foorooyinkood iska soo gudid.
bebid eeg beb.
bebsiin (kiim.) Insaymyo ay dhiiqaan unugyada ku yaalla gudaha caloosha lafdhabarleyda, kaas oo dedejiya borotiinka.
bed (1) Masaaxa dhul ku fadhiiyo.
bed (2) (xis.) Summad A. Cabbirka ama baaxadda dul. Dushu waxa ay noqon kartaa dul sallax ah ama dul xoodan. Halbeegga caalamiga ah ee bedka waa mitir labajibbaaran (m2).
bed (3) 1. Caafimaad; ladnaan. 2. Badbaado. ld bad.
beddel (1) 1. ld beddelid. Dhaafsashada wax wax kale la dhaafsado. 2. ld beddelid. Wareejinta qof meel uu hawl ka hayey laga wareejiyo iyadoo meel kale la geynayo. 3. B. ah: qof meel uu hawl ka hayey laga wareejiyo iyadoo meel kale la geynayo si uu hawshii halka uga si wato.
beddel (2) Wax la beddelay ka dhigid; wax wax kale ku doorin. ld baddal².
beddelaad ld beddelid.
beddelan (1) Wax la beddelay noqosho. ld baddalan¹.
beddelan (2) Wax beddel ku dhacay ahaansho. ld baddalan².
beddelasho eeg beddelo. ld baddalasho.
beddelid eeg beddel². ld baddal¹, baddalaad, baddalid, beddel¹ (1,2), bed.
<< < 123 124 125 126 127 128 129 130 131 132 133 > >>