warwarid ld walwalid.
warwarin ld walwalin.
warwarsan ld walwalsan.
warwarsanaan ld walwalsanaan.
warwarsanaansho ld walwalsanaan.
warxungee 1. Jaad ka mid ah jaadadka caarada oo waa weyn, sun aad u xun ayuuna leeyahay. 2. Diradiraale; basaas; gogle; jaajuus.
warxunsheeg Qofka warka xun buunbuuniya.
waryaa (w. waryaaya) Erey lala hadle labood ah dareenkiisa lagu soo jeediyo. ld ar, aryaa, waar, war³, waryee.
waryaaya eeg waryaa.
waryahaad Afarta nooc ee xoolaha la dhaqdo ah, geela, lo'da, ariga iyo gammaan-ka; meesi.
waryee ld waryaa.
waryeelasho eeg waryeelo.
waryeelo Ku w.: wax yar oo aan nafac lahayn ku eedoobid.
waryoon W. ah: safar aan joogsi iyo nasiinyo lahayn.
was Nin naag u galmood.
wasaarad Qaybaha waaweyn ee taliska dawlad u qaybsamo oo wasiir u madax yahay middood; wasaaro.
wasaaro ld wasaarad.
Wasaasin Sariir yar oo dadka buka ama dhaawaca ah lagu qaado. ld wasaaso.
Wasaaso eeg Wasaasin.
wasaayad 1. Dardaaran qoran. 2. Wakiilashada cid la wakiisho. ld wisaayad.
wasac W. ah: meel aan ciriiri ahayn. ld waasac.
wasakh Uskag; dhusuq.
wasakhayn eeg wasakhee.
wasakhaysan Wax wasakh leh ahaansho.
wasakhaysnaan eeg wasakhaysan. ld wasakhaysnaansho.
wasakhaysnaansho ld wasakhaysnaan.
wasakhee Wax wasakh gaarsiin.
wasakhoobid eeg wasakhow.
wasakhow Wax wasakh leh noqosho.
wasan Wax la wasay ahaansho.
page : 1499 of 1584
<< < 1494 1495 1496 1497 1498 1499 1500 1501 1502 1503 1504 > >>