Ereyga Maanta: caynaano
xawilid  eeg xawil. ld xawilad.
xawlalmariid  ld xawlmariid.
xawlli  Dheeraynta wax ordaya.
xawlmariid  Xididdo waaweyn oo surka ku yaal midkood coobe. ld xawlalmariid.
xawo1  Biyaha laboodka; mino; shahwo. xawo2  (c.nafl.) Unug taran qaangaadh ah oo socda, oo ay leeyihiin xayawaanka labka ah, oo ay soo daayaan xiniinyuhu. xawr   Dhenged yar oo dhuuban.
xawri   Cid ul yar la dhicid; dhengedee.
xawrin  eeg xawri.
xay  1. Ubaxa kiisa aan qaabka caleemaha lahayne u baxa sida bul ama cuntub ama xirmo yar oo dun ah. 2. Midabkiisu, sida xayga qaarkii, cadyahay.
xayaab   (bot.) Dhir kulaalay geedaha waaweyn saarata ama kuboodda oo caan ku ah kaymaalayda badhaalaha.
xayaabo  Lakab qira yar oo fuula hooreyaasha, badanaa dabayshu xarfiso.
xayaad1  Nooc ka mid ah ciyaaraha saarka oo leh jiib, jaan iyo sacab, waxaana cayaar ammaanta diinta Islaamka ku dhisan oo ay dheelaan beeraleyda reer Dhoobey iyo Ugaarsatadaba. Dheeshaa sida Booranaha waxaa lagu daaweeyaa cudurro. xayaad2   Nafley raaxay-sasho. xayaadid  eeg xayaad².
xayawaan  1. Naflay. 2. Sankuneefle. 3. Duunyo; xoolo. ld xawayaan.
xayawaan-caabud  (taar.) Diimaha qaddiimka ah qaarkood waxay amminsanaa-yeen in shay kasta sida geedaha, dabaysha, dhagaxa, xiddigaha, iwm ay leeyihiin af ama ruux ayna ka sareeyaan bani aadamka.
xayawaannimo  Xayawaan ahaansho.
xayaysasho  eeg xayayso.
xayaysii   Badeeco iwm iidheh u samayn.
xayaysiin  eeg xayaysii.
xayaysiis   Ogeysiis loo baahiyo dadweynaha aydoo loo ammaanayo badeeco iwm.
xayayso   Ubaxbixin; fiidid.
xaybooro  Summad geela lagu dhigo oo leh qaab (U) hoos u jeedda oo lagu dhigo garabka.
xayd   Maro iwm kor u qaadid.
xaydaamasho  eeg xaydamo.
xaydaamid  eeg xaydaan.
xaydaamo   Wax xaydaan u samaysasho.
xaydaan1  Ood ama dhismo wareegsan. xaydaan2   Wax xaydaan loo sameeyay noqosho.
page : 1544 of 1584
<< < 1539 1540 1541 1542 1543 1544 1545 1546 1547 1548 1549 > >>