xobboran Wax xobbor yeeshay ahaansho.
xobbornaan eeg xobboran. ld xobbornaansho.
xobbornaansho ld xobbornaan.
xoday Geed-quwaax xabag wanaagsan oo wax lagu daweeyo.
xodxodasho eeg xodxodo².
xodxodo (1) Qof dumar ah oo la jecel yahay ama guur laga doonayo, hadal soo jiida oo saamays weyn leh, oo lagula hadlo; shukaansi; kood.
xodxodo (2) Haweeney guur ku haasaawin.
xog (1) ld xoq¹.
xog (2) 1. Arrin xaqiiqdeeda dhabta ah. 2. ld xoq¹.
xog (3) ld xoq³.
xoghaye 1. Qof hawshiisu tahay in uu cid kale u hayo ama u agaasimo xafiis ay ka fulaan qoraallo raad-reeb leh. 2. Wasiir.
xoghayn 1. (-no, m.l) Xafiiska xoghayaha. 2. Wax xogtooda runta ah, hayn, ka warqabid; xog'ogaalnimo.
xogid ld xoqid.
xogmooge X. ah: qof aan ogayn wax dhacay.
xogogaal X. ah: qof si wanaagsan ula socda xog jirta ama sida wax dhacay u dhaceen.
xogogaalnimo Xogogaal ahaan.
xogsasho eeg xogso.
xogwaraysasho eeg xogwarayso. ld xogwaraysi.
xogwaraysi ld xogwaraysasho.
xogwarayso Cid xog qar-soon weyddiin.
xogwarramid eeg xogwarran². ld xogwarran¹.
xogwarran (1) ld xogwarramid.
xogwarran (2) Arrin si tifaftiran uga war bixin.
xoldhan Wax la xoldhay ahaansho.
xoldhanaan eeg xoldhan. ld xoldhanaansho.
xoldhanaansho ld xoldhanaan.
xoldhid eeg xolor.
xolod Jirrid weyn oo qallalan oo labada af mid dab ka baxayo. Qori dab leh.
xolodho Xalleefato.
xolor Wax hoos ka xoldid.
<< < 1555 1556 1557 1558 1559 1560 1561 1562 1563 1564 1565 > >>