boholatus (1) ld boholatusid.
boholatus (2) U b.: cid si ujeedadeeda looga baajiyo cabsi gelin.
boholatusid eeg boholatus². ld boholatus¹.
boholyoobid eeg boholyow².
boholyow (1) 1. Dareen rabitaan oo ku dhasha qof marka wax uu jeclaa araggooda ka raago; hilow. 2. ld boholyoobid.
boholyow (2) U b.: wax araggooda laga raagay in la arko aad u jeclaysasho.
bohon Orgi wan iwm oo aan wax boodi karin.
bohonnimo Bohon ahaansho.
boji Xaalad shaqo iyo dhib la'aan ku sugnaan (nafley); nasasho. ld baji, beji.
bojiino Xaalad shaqo iyo dhib la'aaneed oo nafley ku jirto; nasasho muddo laga nasto hawl. ld bojin.
bojin eeg boji. ld bajiino, bajin, bejiino, bejin, bejis, bojiino.
bokooro ld bakooro.
boliis Ciidan nabadgelyada gudaha ee dal qaabbilsan. ld bileys, biliis, booliis, buliis.
bolol (1) 1. B. ah: qori iwm marka ay duug ama bahal awgiis xorshosh noqdaan. 2. B. ah: miro daawo iwm oo faaday ama xorshashay. 3. ld bololid.
bolol (2) 1. Qori iwm duugnimo ama bahal galay awgeed xorshashid. 2. Miro daawo iwm faadid ama xorshoshid.
bololid eeg bolol². ld bolol¹ (3).
bolshofiik (siyaa.) Hab siyaasadeed iyo fikrad uu Lenin iyo kuwii raacsanaa ay keeneen dalka Ruushka kacaankii Ruushka kaddib 1917.
bombo ld bambaano.
bongaree ld bamgaree.
bongareyn ld bamgareyn.
boob (1) 1. Si sedbursi xoog iyo dhaqso leh oo hanti cid ka dhexeyso loo qaato. 2. Si xoog iyo sharcidarro ah oo hanti iwm loo qaato. 3. Baadariga ugu sarreeya Fatikaanka. 4. ld boobid.
boob (2) 1. Si sedbursi xoog iyo dhaqso leh hanti cid ka dhexeyso u qaadasho. 2. Si xoog iyo sharcidarro ah hanti iwm cid uga qaadasho. 3. Dedejin (cunid, socod, iwm).
boobas Habaas; boor.
boobe 1. Nooc banaatiiqda ka mid ah oo si daranddoori ah u dhaca. 2. Cayayaan yaryar oo gala iniinaha qaraha iyo sisinta oo bololiya.
boobid eeg boob². ld boob¹ (4).
boobsii Hawl si degdeg leh u qabasho.
boobsiin eeg boobsii. ld boobsiis.
boobsiis ld boobsiin.
booc (1) 1. Hunguri. 2. Cune. 3. In yar oo tubaako shiidan ah.
booc (2) Geed caano leh caleemo balballaaran, laamo jiljilicsan iyo miro kuus kuusan oo buufsan leh.
<< < 154 155 156 157 158 159 160 161 162 163 164 > >>