diiqee1. Diiqo bixin. 2. Wax daldalid.
diiqideeg diiq³.
diiqlay(bot.) Geed-gaab leh dheecaan guduudan, laamo dhuudhuuban oo ka baxa dhulka jilicsan oo aan lahayn qodax.
diiqold diiq².
diiqooKu d.: ciriiri dareemid.
diiqoodeeg diiqoo.
diiqyeerArooryo hore.
diir1Kulayl, uumi.
diir2Dubka sare ee lafta geedka.
diir3ld diirdiir².
diir4ld digir².
diir51. Wax in yar kululaansho. 2. Qof, in yar xanaaqid.
diir61. Geed diir ka qaadid. 2. Wax qaawin.
diir-hoose(bot.) Botani ahaan, nudaha u dhexeeya dubka sare iyo habdhiska kalli ee jirridaha iyo xididdada geedka.
diirad1Aalad lagu kala garto jahooyinka, leh qaab sacadeed oo lagu hoggaamiyo maraakiibta.
diirad2(nax.) Marka uu qof hadlayo, weer kastoo ka mid ah warkiisa waxaa ka mid ah qayb uu si gaar ah u danaynayo, sidaas darteed hadluhu wuxuu adeegsadaa summad (baa/ayaa, waa) u baaqda dhegeystaha qaybtaas.
diiradayn(nax.) Marka diirad la saaraayo qayb ka mid ah weerta (eeg diirad 2.).
diiradeeye(nax.) Qurubyada wax diiradeeya oo kala ah: “baa”/”ayaa”, “waa” (eeg qurub diiradeed).
diiran1Wax diirkii ka dhacay noqosho.
diiran2Wax la diiray ahaansho.
diirane(xis.) Dhakhsaha isbeddelka ee fansaar marka loo eego doorsoomaha madax bannaan. Waxa kale loo yaqaan wehliyaha xigsineed ama fansaar diiran. .
diirane-koowaad(xis.) Fansaarka j = f(x) waa d. k. marka uu diiranihiisu yahay heerka koowaad, waxaana loo qoraa dy/dx ama f'(x).
diirashoeeg diiro.
diirdiir1Jaad ugaarta ka mid ah oo diillimo leh; goodir.
diirdiir2Cayayaan yar oo jilicsan, leh duf badan, wuxuu ku dulnoolyahay dhirta, aakhirutaankana wuxuu noqdaa balanbaalis, nirgadhoob iwm. ld diir².
diirdiir-xariireedNooc diirdiirta ka mid ah oo dunta xariirta sameysa.
diirdiirranQof firfircoon ahaansho.
diirdiirranaaneeg diirdiirran. ld diirdiirranaansho.
diirdiirranaanshold diirdiirranaan.
diirfinNooc digirta ka mid ah, yaryar, oo cagaaran; salbuko.
<< < 172 173 174 175 176 177 178 179 180 181 182 > >>