Ereyga Maanta: xaydaan
caashaqasho eeg caashaqo.
caashaqid eeg caashaq². ld caashaq¹ (2).
caashaqnaan caashaqan. ld cashaqnaansho.
caashaqnaansho ld caashaqnaan.
caashaqo Ku c.: markab, baabuur, xoolo iwm meel ku abbaarasho.
caashaqsan Qof, wax caashaq hayo ahaansho.
caashaqsanaan eeg caashaqsan. ld caashaqsanaansho.
caashaqsanaansho ld caashaqsanaan.
caasi (1) 1. Qof wixii Eebbe faray aan fulin. 2. Qof waalidkii aan addeecin. 3. Qof madax adag, diiddo badan.
caasi (2) 1.(f.g) Cid eed iyo haaraan u jeedin. 2. Ku c.: qof,wixii Eebbe faray fulin waayid. 3. Ku c.: qof waalidkii addeeci waayid.
caasimad Magaalammadax.
caasin ld caasiyid.
caasinnimo Caasi ahaansho.
caasiyid eeg caasi². ld caasin.
caasiyoobid eeg caasiyow.
caasiyow Ku c.: caasi noqosho.
caatayn ld caataysiin.
caataysan 1. Wax caato ah ahaansho. 2. Wax dallan ahaansho.
caataysii 1. Wax caato ah ka dhigid. 2. Wax dallan ka dhigid. ld caatee.
caataysiin eeg caataysii. ld caatayn, caataysiis.
caataysiis ld caataysiin.
caataysnaan eeg caataysan. ld caataysnaansho.
caataysnaansho ld caataysnaan.
caatee ld caataysii.
caatibawaa C. ah: caalwaa.
caato 1. Caataysnaanshada. 2. C. ah: nafley hilibka iyo baruurta jirkiisu yaryartahay. 3. Hilib aan dux lahayn.
caatoobid eeg caatow². ld caatow¹.
caatow (1) ld caatoobid.
caatow (2) 1. Caato noqosho. 2. Wax dallan noqosho.
caaw (1) ld caw¹.
<< < 186 187 188 189 190 191 192 193 194 195 196 > >>