dooro21. Wax xulasho. 2. Cid doorasho ku jirta codsiin.
doorrooneQof aad u wanaagsan.
doorsadld doorasho.
doorsamideeg doorsan¹. ld door- soomid, doorsoon¹.
doorsan1Wax siduu ahaa si ka duwan noqosho. ld doorsoon² (2).
doorsan21. Wax siduu ahaa si ka duwan laga dhigay ahaansho. 2. Qof maankiisu beddelen yahay ahaansho.
doorsanaaneeg doorsan². ld doorsanaansho.
doorsanaanshold doorsanaan.
doorsashoeeg doorso. ld doorsad, doorsi.
doorshaanCayayaan wasakh ku nool ah oo leh qolof adag, baalal iyo lix lugood; xaarwalwaal.
doorsheld doolshe.
doorsild doorsasho.
doorso1. (f.g) Wax, wax kale ku beddelasho. 2. (f.g) Wax sarrifasho (lacag). 3. (f.mg) Cudur ka bogsasho.
doorsoome(xis.) Xaddi isbeddela sida x oo u taagan xaddi dahsoon ama aan la aqoon, badanaaba ah tiro. Tusaale ahaan: 3y - 1= 8, y waa doorsoome.
doorsoome-ku-xiran(xis.) Haddii y ay tahay fansaarka x, taas oo, haddii fansaarka hal qiime oo y ah uu ku aadayo qiime kasta oo x ah, markaa ay waa doorsoome ku xiran.
doorsoome-madaxbannaan(xis.) Isleeqta y = f(x), doorsoomaha la geshaha ah ee x.
doorsoomideeg doorsoon². ld doorsoon¹; doorsamid.
doorsoon1ld Doorsamid; doorsoomid.
doorsoon21. Qurmid. 2. ld doorsan¹.
doorsoon3Wax sidii hore ka duwan ahaansho; wax beddelan ahaansho.
doorsoonaaneeg doorsoon³. ld doorsoonaansho.
doorsoonaanshold doorsoonaan.
doorteQof cid doorasha u taagan codkiisa siiya.
doosh1. Markab ama doon u socota dhanka ay dabayshu ka hayso. 2. D.kii hore: waqti hore oo la soo dhaafay; kal.
dooshiXarig isu haya farmaanka doocdiisa bixid iyo doonta.
doox11. Saxaro jilicsan oo ay nafleydu dhigaan marka ay cunaan ama cabaan waxyaabo caloosha kiciya; shuban. 2. (-xyo, m.dh) Dhul godan oo biyo mareen ah; tog. 3. ld dooxid.
doox2Wax af leh calool nafley ku dhufasho si uur-kujirtu uga soo dhacdo.
dooxada rift(juqr.) Waadi ka samaysmay lab dillaac oo barbarro ah dhulka u dhexeeya oo hoos u degay. Dooxadaasi aad bay u dheertahay marka la fiirsho ballaceeda. Tusaale loogu aqoon ogyahay waa dooxada rift oo kala fidsan iyadoo dhexmaraysa Suuriya, Israil, iyo Jordan, iyo bariga Afrika, dherer keedu wuxuu ka badanyahay 4.800 km. (3,000 mayl).
dooxan11. Wax caloosha laga soo riday noqosho. 2. Nafley aad u shubmid.
dooxan2Wax caloosha laga soo riday ahaansho.
<< < 188 189 190 191 192 193 194 195 196 197 198 > >>