naakhuude Qof markab ama dooni madax ka ah.
naakhuudee U n.: Si cid loo khiyaamo wax aanad ahayn iska yeel-yeelid.
naakhuudeyn eeg naakhuudee.
naakirad Naag sharcigu caddeeyay in ay ninkeeda caasi ku noqotay oo aan nin kale guursan karin. ld naakiro, naashiddo, naashiso, naashuusho.
naakiro ld naakirad.
naakuuso Xog yar oo laga helo arrin qarsoon.
naallee Ku n.: 1. Farax iyo guul ku jirid. 2. Wax rajo ku eegid. ld naalloo.
naalleyn eeg naallee. ld naallood.
naallo 1. Ladnaan xag dhaqaalo iyo caafimaad. 2. Yididdiilo wanaagsan.
naalloo ld naallee.
naallood ld naallayn.
naamuus (1) ld maamuus¹.
naamuus (2) ld maamuus².
naamuusid ld maamuusid.
naamuusiyad ld maamuusiyad.
naamuusjab (1) ld maamuusjab¹.
naamuusjab (2) ld maamuusjab².
naamuusjebi ld maamuusjebi.
naamuusjebid ld maamuusjebid.
naamuusjebin ld maamuusjebin.
naanays (1) Magac dheeri ah oo loo yaqaan qof, kaas oo aan ahayn magaciisa dhabta ah; koofaar. ld naynaas¹.
naanays (2) (kiim.)Hab loo qoro iskudhis kimikaad iyadoo la isticmaalayo summadaha atamyada ku jira. Hoosgalayaashu waxay u taaganyihiin tirada atamyada. Naaneys molikiyuulku waxay ku tustaa oo keliya nooca iyo tirada atamyada ah ee ku jira iskudhiska. Dhis naaneys molikuyuulkuna waxay muujisaa sida atammadu u ratibanyihiin.
naanays (3) 1. Ku n.: qof magac dheeri ah oo aan kiisii dhabta ahaa ahayn u bixin. 2. Ku n.: cid falkeeda dhaliilid. ld naynaas².
naanaysan ld naynaasan.
naanaysid eeg naanays³. ld naynaasid.
naanaysnaan ld naynaasnaan.
naanaysnaansho ld naynaasnaan.
naannaab (1) ld naabnaab¹; naabnaabid.
naannaab (2) ld naabnaab².
naannaabi ld naabnaabi.
<< < 1 2 3 4 5 6 7 8 > >>