Ereyga Maanta: gurxan
qallaal (1) 1. Balli yar oo ay biyo ku hareen. 2. Duleelka sanka iyo afku ay isaga furanyihiin.
qallaal (2) Waddo aan toobiye ahayn.
qallac (1) 1. ld qallaco. Laba qalbac ee qori la kala jeexay oo geela wax diida faruuryaha inta xarig lagula qabto looga xiro, si marka uu xanuunsado uu u oggolaado dhashiisa ama mid kale ama uu u oggolaado. 2. Shiraac doon oo dhuuban oo daqalka korkiisa lagu xiro.
qallac (2) 1. Hal ilmo diidday qallac ku samayn. 2. Shiraaca doonta daqal ku xirid.
qallacan Qof oo geel qallacay si kadis ah ahaansho.
qallacid eeg qallac².
qallacnaan eeg qallacan. ld qallacnaansho.
qallacnaansho ld qallacnaan.
qallaco ld qallac¹ (1).
qallad (1) Raacidda la raaco madhab in muddo ah.
qallad (2) Masiibo; belo.
qalladasho eeg qallado.
qallado Madhab raacid in muddo ah.
qallaf (1) Q. ah: wax adag oo aan jilicsaneyn.
qallaf (2) Wax adag oo aan jilicsaneyn noqosho.
qallafi Wax, wax adag oo aan jilicsaneyn ka dhigid.
qallafid eeg qallaf².
qallafin eeg qallafi.
qallafsan 1. Wax aan jilicsaneyn ahaansho. 2. Wax aan sulub ahayn ahaansho. 3. Wax aan sahlanayn ahaansho. 4. Qof dabeecad adag oo aan soo loodsamin ahaansho.
qallafsanaan eeg qallafsan. ld qallafsanaansho.
qallafsanaansho ld qallafsanaan.
qallaji Wax qoyan engejin.
qallajin eeg qallaji. ld qallajis¹.
qallajis (1) ld qallajin.
qallajis (2) (c.nafl.) Xamaarato yar oo jaadad badan ah oo leh dhex dhuuban, dabo dhuuban iyo afar addin oo sida badan ku nool dhulka kuleylaha ah.
qallal (1) 1. Cudur maskaxeed nafleyda ku dhaca oo suuxdin iyo gariir keena. 2. Cudur nafleyda dhinac naafeeya; dabeyl. 3. ld qallalid.
qallal (2) 1. Wax qoyanaa engegid. 2. Qof sarco qaba suuxid. 3. Xubin jirka nafleyda ka mid ah hawl gabid.
qallalan 1. Wax qoyanaa wax engegay ahaansho. 2. Xubin jirka nafleyda ka mid ah wax hawsheedii gabtay ahaansho.
qallalid eeg qallal². ld qallal¹ (3).
qallalnaan eeg qallalan. ld qallalnaansho, qallayl.
<< < 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 > >>