carrojiif (jool.) Lakab dhadhaab ah oo ka hooseeya oogada dhulka, kaas oo ka kooban dhadhaabo cufnaantoodu ay ka sarrayso kuwa oogada dhulka, waxaana kala saara carrojiifka iyo oogada dhulka la yiraahdo moho; gunta dhererka carrojiifku wuxuu gaarayaa ilaa 2,900 Km. (1,800 mayl) ka hoos dhulka dushiisa. Carrojiifka isagana waxaa ka hooseeya xuddunta.
carromadow ld carramadow.
carromaris Boondhow.
carroobid eeg carrow.
carroseel Dhul ciiddiisu dhano tahay. ld carraseel.
carrow 1. Wax ciid yeelasho. 2. ld carraaw.
carruur Dhasha dadka; ilmo; ubad.
carruurayn eeg carruuree.
carruuree 1. Cid in ay sida carruurta u dhaqanta ku kallifid. 2. Is c.: carruur iska dhigid.
carruurnimo Carruur ahaansho.
carruuroobid eeg carruurow.
carruurow Carruur noqosho; carruur u ekaansho.
carsaanyo Naflay badda ku nool oo leh sideed lugood iyo labo birqaab oo ay wax ku qabato, hor iyo dibba waa u oroddaa; suulogoys; suulalgoys. ld carcarsaanyo.
carsaanyow (daaw.) Cudur halis ah oo jirka meeshuu gala cuna si dhaqsana ugu fida oo ilaa meeshii uu ku dhacay la gooyo aan laga bogsoon; feex; fayiix; buro; bahalaad.
carshaan eeg cariish.
carshaashayn eeg carshaashee. ld carshacarshayn.
carshaashee Hawl qas iyo lab dhex gelin. ld carshacarshee.
carshaasho 1. (ld carshacarshe) Qas iyo lab hawl socoto lagu hakiyo. 2. Timir aan aad u bislaan.
carshacarshayn ld carshaashayn.
carshacarshe Qas iyo lab hawl socota lagu hakiyo. ld carshaashoÿ(1).
carshacarshee ld carshaashee.
carshacarsheyn ld carshaashayn.
carshi 1. Sariirta boqorka. 2. Shay weyn, muqaddas ah Eebbe leeyahay oo samada sare ku sugan. 3. Geed abaareed gaaban oo leh caleemo balballaaran iyo miro macaan oo la cuno kana baxa carroguduudka.
carshin Dhul daaq leh, dhulka xooluhu daaqaan.
cartamid eeg cartan². ld cartan¹.
cartan (1) Qaylo iyo wax burburin ay sameeyaan nafleyda qaar marka ay xanaaqaan. ld cartamid.
cartan (2) 1. Ur aad u udgoon wax ka soo urid. 2. ld car 2. Xanaag dartii, qaylo iyo wax burburin samayn. 3. Karkarid.
cartir (1) ld catir¹.
cartir (2) ld catir².
cartiran ld catiran.
<< < 224 225 226 227 228 229 230 231 232 233 234 > >>