riddoobid eeg riddow². ld riddow¹.
riddow (1) Ka bixidda laga baxo diinta Islaamka. ld riddoobid.
riddow (2) Diinta Islaamka ka bixid.
ridid eeg rid.
ridim (muus.) Dhawaaq si darandoorri ah iskaga dabadhaca.
ridiq (1) 1. R. ah: cajiin. 2. ld ridqid.
ridiq (2) Badar cajiimid.
ridmid eeg ridan.
ridmo Dhabaq la'aanta iyo isku dubbadhaca cod, muusig iwm.
rido 1. Waran, fallaar iwm ganasho. 2. Qof arrin fikrad ka dhiibasho ama ka qayb qaadasho. 3. Ka r.: dugaag ama tuug wax ay dhaceen ka badbaadsasho. 4. Ku r.: wax, wax uu qaadi karo dhex gashasho. 5. U r.: meel ama weel gudihiisa wax gelin. 6. U r.: wax dusha saarasho. 7. U r.: wax mas'uuliyad-diisa qaadid.
ridqan Badar wax la ridqay ahaansho.
ridqanaan eeg ridqan. ld ridqa-naansho.
ridqanaansho ld ridqanaan.
ridqasho eeg ridqo.
ridqid eeg ridiq². ld ridiq¹ (2).
ridqo Badar cajiin ka dhigasho.
rif 1. Dhogor ama baal si xoog ah maqaar uga gurid. 2. Laf hilib ka dhammeyn. 3. Maro dun ka bixin. 4. Ka r.: qof ciidan ka tirsan garaaddo ka qaadid.
rifaaq (1) ld rafaaq¹.
rifaaq (2) ld rafaaji.
rifaaqid ld rafaajin.
rifad ld rifasho.
rifan (1) (jool.) Falka ka dhasha marka ay is xoqaan dhagxaan ay sidaan biyo, dabayl ama mawjadaha baddu amase ay dhag-xaantaasi xoqdo kuwo kale.
rifan (2) Maqaar, maro iwm wax la rifay noqosho.
rifan (3) Maqaar, maro iwm wax la rifay ahaansho.
rifasho eeg rifo. ld rifad.
rifid eeg rif.
rifmid eeg rifan².
rifnaan eeg rifan³. ld rifnaansho.
rifnaansho ld rifnaan.
rifo 1. Dhogor, baal iwm maqaar xoog uga gurasho. 2. Laf hilib ka feenasho. 3. Caw, nagaar iwm xoolo ilka ku goosasho.
<< < 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 > >>