Ereyga Maanta: dhiifoonaan
xardhanaan eeg xardhan. ld xardha-naansho.
xardhanaansho ld xardhanaan.
xardhid eeg xarar².
xareed 1. Biyo roob. 2. Biyo macaan oo aan cusbo lahayn. 3. X. ah: midab casaan furan ah.
xareedayn (kiim.) Hab ka kooban karkarinta hoor iyo qaboojinta uumigiisa. Xareedaynta waxa loo isticmaalaa safaynta hoorarka ama kala sooridda xubnaha iskujir hoor ah.
xareedeeye Baalalley.
xareedi 1. Dugaag, shimbiro iwm ciyaaro, ci'ama dhaqdhaqaaq kale oo ay ku muujinayaan barwaaqo samayn. 2. Shimbiro ci'iyo dhaqdhaqaaq la aammin-sanyahay in ay ku roobdoonayaan samayn.
xareedin eeg xareedi. ld xareedis.
xareedis ld xareedin.
xarfaan eeg xariif. laacib;
xarfad (1) ld xarfasho.
xarfad (2) Xeelad qof u suurta gelisa in uu danihiisa si fiican u fushado.
xarfadayn eeg xarfadee.
xarfadee Xarfad samayn.
xarfasho (1) eeg xarfo². ld xarfad¹.
xarfasho (2) 1. Dhaqaaq tartiib ah ee biyaha sare ee badda ama haro oo ay dabayshu dhaqaajiso iyo dhaqaaqyada kale ee la midka ah sida ciidda iwm. 2. (jool.) Tuulimaad kasta oo dhulka dushiisa ah oo la soo qaaday, gaar ahaan ka barafku tuulo amase biyaha ka yimaada barafka.
xarfi Hoore kulul ama diirran dabayl ku qaboojin.
xarfin (1) eeg xarfi.
xarfin (2) (fiis.) Dariiqadda ay walaxi kaga beddelanto uumi isuguna bedesho dareere. Dareeruhu, tusaale ahaan, waxa sameeya uumi galey gibilka.
xarfo (1) 1. Caws jilicsan oo dhego yaryar oo meelaha riska ah ka baxa; wuxuu yeesha sabuul miro yaryar leh oo la cuno. 2. (-ooyin, m.l) Kax bannaan; dibir. 3. Kalluunka jaad ka mid ah.
xarfo (2) Hoore dabayl ku qaboobid.
xargag (1) 1. Wax biyabbiyo ah, sida dhiigga, is-qabsadkooda. 2. Wax caato darteed, la engega, isku soohma. 3. Kawrax; engeg. ld hargag¹, xarkag¹.
xargag (2) Subag, dhiig iwm wax fadhiya ama adag noqosho. ld hargag², xarkag².
xargagid (1) eeg xargag². ld hargagid, xarkagid.
xargagid (2) (fiis.) Xaaladda dareere jiitama oo isu beddelo wax fadhiya.
xargagoosasho eeg xargagooso.
xargagooso Wayraxid.
xargagsan Wax xargagay ahaansho. ld hargagsan, xarkagsan.
xargagsanaan eeg xargagsan. ld hargagsanaan, hargagsanaansho, xargag-sanaansho.
xargagsanaansho ld xargagsanaan.
<< < 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 > >>