Ku dar erey cusub Qaamuuska!

Ereyga Maanta: qawadid
ciddi 1. Cad gees la mood oo xalleefsan oo ka baxda faraha fooddooda sare. 2. Qolof libaax badeedka laga jaro oo loo shito uunsi ahaan. ld ciji, cijo, cinji.
ciddidiif Fulfullac yaryar oo uu yeesho hilibka ku wareegsan ciddiyaha. ld caddidiif.
ciddigod Geed leh laamo dhuudhuuban, caleen yar iyo qodxo qaroofan. ld cinjigod.
ciddiid Duurjoogta (ugaarta) inta hilibkooda la cuno.
ciddijiid (1) ld cagajiid¹.
ciddijiid (2) ld cagajiid².
ciddijiidid ld cagajiidid.
ciddikudhufaan ld edegkudhufaan.
ciddikujoog Xubinta hore ee farta oo ay ciddidu ku taal.
ciddillaab (1) Orod kadle ah oo gammaanku sameeyo.
ciddillaab (2) Gammaan, orod kadle ah samayn.
ciddillaabid eeg ciddillaab².
ciddillibaax 1. Miro yicibeed oo markaa soo baxay. 2. Abuur meseggo ama galley oo markaa soo dhashay.
ciddillibaaxi Abuur meseggo ama galley oo markaa soo dhalasho.
ciddillibaaxin eeg ciddilibaaxi.
ciddisiib Nooc ka mid ah mariidka oo nafleyda uu sababo ay ciddiyuhu ka dhacaan timihiina ka bidaan (waa kan ugu halisan).
ciddiyagaduudshe Geed nagaar yar oo leh xididdo dhuudhuuban oo ciddiyaha lagu guduudsado.
ciddo Muddo go'an oo haweenayda laga dhinto ama la furo ay tirsato oo aan la guursan karin inta ay ku jirto. ld cuddo.
ciddood ld cirdood.
ciddoodoobid eeg ciddoodow.
ciddoodow Ciddood noqosho.
cidhib (1) ld cirib.
cidhib (2) (c.nafl.) Dalool liilsami kara oo carjaw ah, kaas oo ku dheggan gidaarka dalqada ee u dhow salka carrabka naasleyda. Mar wax la liqayo wuxuu daboolaa hunguricadka si aanay cuntadu u gelin.
cidhif ld cirif.
cidhif-birlabeed (fiis.) Dacallada birlabta ee u muuqda in xoogagga birlabeed ay ka unkamaan.
cidid eeg cid².
cidla' Meel aan cidna degganeyn ama joogin. ld cidlo.
cidla'joog Ugaar. ld duurjoog (1).
cidlajoog Nafley la rabbaysna.
cidlayn eeg cidlee.
<< < 242 243 244 245 246 247 248 249 250 251 252 > >>