Ereyga Maanta: kaahin
ciidamin eeg ciidami.
ciidan (1) 1. Qof, cid hawl u qabto ijaarna ka qaata. 2. (-ammo, m.dh) Xoog abaabulan, hubeysan oo qoran u qaabbilsan difaaca dalka. 3. (e.d) C.amow!: hayaay!, waawareey!.
ciidan (2) U c.: qof, cid u gargaarid.
ciidannimo Ciidan ahaansho (qof).
ciidansad ld ciidansasho.
ciidansasho eeg ciidanso. ld ciidaansad, ciidaansi.
ciidansi ld ciidansasho.
ciidanso Cid ciidan ka dhigasho.
ciidanxumaan eeg ciidanxun. ld ciidanxumaansho, ciidanxumi, ciidanxumo.
ciidanxumaansho ld ciidanxumaan.
ciidanxumi 1. Xaaladda uu ku suganyahay qof aan ciidan ku filan haysan. 2. Xaaladda uu ku suganyahay qof ciidan tayo fiican aan haysan. ld ciidanxumaan.
ciidanxumo ld ciidanxumaan.
ciidanxun 1. Cid aan ciidan ku filan haysan ahaansho. 2. Qof aan ciidan geli karin ahaansho.
ciidanyari ld ciidanyaro.
ciidanyaro Xaaladda uu ku sugan yahay qof aan ciidan ku filan haysan. ld ciidanyari.
ciiddaggale ld ciidaggale.
ciidee Wax ciid ku shubid.
ciideyn eeg ciidee.
ciidid eeg ciid². ld iidid.
ciidmaris Hab loo ciqaabo qofka hanadu gasho (herin).
ciidmid eeg ciidan².
ciifo Uurkutaallo. ld ciil¹.
ciiji ld ceeji.
ciijin (1) ld ceejin.
ciijin (2) (baay.) Dariiqadda saxarro bannaanka ka yimid oo jidhka weeraraya ama qayb yaryar oo cunto ah lagu soo dabo ee ay burburiyaan qaar ka mid ah unugyada xayawaanku.
ciijiye-weyne (baay.) Unug ballaadhan oo ciijiye ah, oo caadi ahaan laga helo nudaha soo saara unugyada dhiigga.
ciil (1) Dareen uurkutaallo leh oo ku dhasha qof marka lagu sameeyo wax uusan raalli ka ahayn. ld ciifo.
ciil (2) Dareen uurkutaallo leh cid ku beerid.
ciilbax Qof, wax ciil ka bi'iya samayn.
ciilbeel (1) ld ciilbeelid.
<< < 244 245 246 247 248 249 250 251 252 253 254 > >>