ciribtirmid eeg ciribtiran¹.
ciribtirnaan eeg ciribtiran². ld ciribtirnaansho.
ciribtirnaansho ld ciribtirnaan.
ciribxumi Aayo xumi. ld ciribxumo.
ciribxumo ld ciribxumi.
cirid 1. Bacaad qorraxdu kululaysay. 2. Kulaylka qorraxda. ld ciriid, cirrid³.
ciridhiib Isku taagidda faraha lugaha iyaada oo cirbaha kor loo qaadaayo. ld cirbadhiib.
ciridhiibsad ld cirbadhiibsasho.
ciridhiibsasho ld cirbadhiibsasho.
ciridhiibsi ld cirbadhiibsasho.
ciridhiibso ld cirbadhiibso.
cirif Geeska ugu dambeeya ee ay ku dhammato meel ama shay. ld cidhf.
cirifayn 1. (fiis.) Xadaynta gariirrada ay leedahay hir gudbani, si gariirku ugu dhaco sallax keliya. Tusaale ahaan, kaaha birlab-danabeed waa dhaqaaqa hir gudban. 2. (fiis.) Yaraynta maayadda unugga Foolt, taas oo ka dhalata tuulmidda maxsuullada ka soo baxa falgalka kiimikaad.
ciriid ld cirid.
ciriiri (1) 1. Meel dhex mariddeedu dhib tahay yaraan awgeed. 2. Meel aan waxa ku jira qaadin, yaraan awgeed. 3. Wax heliddooda adagtahay. 4. Waqti aan ku filnayn in hawl lagu qabto. ld cariiri¹.
ciriiri (2) 1. (f.g) Meel, ciriiri ka dhigid. 2. (f.mg) Ku c.: meel, wax qaadkeeda ka badan ku kordhin. ld cariiri².
ciriirin ld ciriiryid.
ciriirsamid-bilooro (daaw.) Muruq bararka caloosha oo ciriiriya godka cunnadu marto marka ay gudbeyso xiidmaha. Cudurku wuxuu keenaa raagid cunno gudbid taas oo u sabab ah matag soo noq-noqda, mararka qaarkood cunno la cunay 24 saac ka hor; waxa kale oo la arkaa uur fuuriyo nuux-nuuxsi calooleed.
ciriiryid eeg ciriiri². ld cariirin, cariiryid, ciriirin.
ciriiryoon Meel, wax ciriiri ah ahaansho. ld cariiryoon.
ciriiryoonaan eeg ciriiryoon. ld cariiryoonaan, cariiyoonaansho, ciriiryoonaansho.
ciriiryoonaansho ld ciriiryoonaan.
cirir 1. Godka laba iyo labaatanaad ee dayaxu fariisto. 2. Xiddig dayaxa la fariista xilliga jiilaalka. 3. Qof adadag oo ayaan badan oo dhashay xilliga xiddiggaas.
cirjeex Meereyaasha kan ugu weyn oo u dhexeeya farraare iyo raage; mushtar. ld cirjiir.
cirjiir ld cirjeex.
cirkasoodhac 1.(-cyo m.dh) Dhagax shiil madow ah oo la rumaysanyahay in uu hawada sare ka yimid. 2. Arrin si lama filaan ah u dhacda. 3. Waran-cireeyada aan atmoosfeerka ku soo burburin, ee soo gaara dhulka. ld cirsoodhac.
cirkayeer Shimbir habeenkii ciya oo saadaaliya roob. ld cirsankayeer.
cirrannuug Yaraan; guridambays; sug.
cirrayn eeg cirree.
cirraysasho eeg cirrayso.
<< < 254 255 256 257 258 259 260 261 262 263 264 > >>