Ereyga Maanta: makeekee
cisaaro Cid dembi fashay ciqaabta la mariyo. ld casaaro.
cisal 1. (-llo, m.dh) Xubnaha taranta labka ee dibiga, wanka, orgiga iwm. 2. Caws yaryar oo dhaqso u soo baxa marka roob ku da'o.
cisbitaal ld isbitaal.
cisee Cid sharfid.
ciseyn eeg cisee.
cishe 1. Habeenka intiisa hore; fiid. 2. (dii.) Shanta salaadood ee Islaanka faralka ku ah midda habeenki la tukado.
cishiinee ld ceshiimee.
cishiineyn ld ceshiimeyn.
cishiineysasho ld ceshiimeysasho.
cishiineyso ld ceshiimayso.
cishiino ld ceshiimo.
cishqi ld caashaq¹.
cisii C./ka c.: naflayda qaarkood ci'ka dhawaajin.
cisiin eeg cisii.
cismaandooy Geed abaareed aan qodax lahayn, leh caleemo dhuudhuuban, laamo tootoosan oo kala baxbaxsan iyo miro hurdi ah oo la cuno dhexdana laf adag ku leh.
ciso 1. Xurmo. 2. Dhiigga haweenka bishiiba mar ku dhaca; caado. ld cis.
ciso-la'aan (daaw.) La'aanta ama joogsashada caadada (dhiigga) ay dumarku bishii mar helaan. Caado ma laha gabdhaha aan baaluqin, dumarka uurka leh ama caano laga nuugayo iyo kuwa dhalmo dayska ah.
cisyaan 1. Amar dowladeed iyo wax la mid ah si bareer ah loo diido; fallaagannimo. 2. Caasinnimo.
citin Hambo.
citiqaad (1) ld citiqaadid.
citiqaad (2) 1. (f.g) Diin, mabda'iwm aaminid. 2. (f.mg) U c.: cid meel iwm u qasdiyid.
citiqaadid eeg citiqaad². ld citiqaad¹.
citiqaadsan Qof diin, mabda'iwm aaminsan. ld ictiqaadsan.
citiqaadsanaan eeg citiqaadsan. ld citiqaadsanaansho, ictiqaadsanaan, icti-qaadsanaans.
citiqaadsanaansho ld citiqaadsa- naan.
ciyaal Carruur yaryar.
ciyaalnimo Ciyaal ahaansho.
ciyaar (1) ld cayaar¹.
ciyaar (2) ld cayaar².
ciyaari (1) ld cayaari¹.
<< < 256 257 258 259 260 261 262 263 264 265 266 > >>