Ereyga Maanta: qar-iskaxoor
cumuri Maro dhuuban oo bul iyo xiddaayad leh oo haweenku dhexda ku xirtaan. ld cumeyri.
cun 1. Cunto quudasho. 2. Qaniinyo wax ku yeelid. 3. Cayayaan, nafley dhiig ka jaqid. 4. Cid il wax ku yeelid. 5. Ciyaar turub haad, haad kale oo ka adag ku qaadasho.
cunaa C. ah: qof aad u cir weyn.
cunaabi Kuul laga sameeyey xabagta maydiga oo la warshadeeyey oo dumarku qoorta ku xirtaan.
cunabbarar Jirro ku dhacda dhuunta oo bararisa.
cunaggubyo Xanfafka ka dhasha waxyaalo kulul oo la liqay.
cunaggubyoo Cunaggubyo dareemid.
cunaggubyood eeg cunaggubyoo.
cunan Wax la cunay ahaansho.
cunaqabad ld cunaqabatayn.
cunaqabasho ld cunaqabatayn.
cunaqabatayn eeg cunaqabatee. ld cunaqabad, cunaqabasho.
cunaqabatee Ka c.: cid waxay u baahanayd u diidid (siiba xag dhaqaale). ld cunaqabo (2).
cunaqabato Diidmada loo diido cid waxay u baahnayd (sida dhaqaalaha).
cunaqabo 1. Nafley cunaha ka qabasho; ceejin. 2. ld cunaqabatee.
cuncun (1) Xajiin oogada nafleyda ku dhacda oo keenta xoqod badan.
cuncun (2) (daaw.) Xaalad cudur oo ka timaadda falgal jirku kaga hortagayo dhibaato dibedda uga timid, waxay xaaladdaasu noqon kartaa: mid muddo gaaban ama mid muddo dheer. Holaca muddada gaaban waa falgal difaac oo degdeg ah oo ay soohyadu kaga hartagaan dhibaato ka timaadda: jermi nool, walax kiimikaad ama fiisikaad. Astamaha: xanuun, kul, cassaan, barar iyo hawl gab. Xididdada dhiiga ee goobta waxaasi ka dhacayaan way dabcayaan oo ballaaranayaan sidaas darteed socodka dhiigga waa ku badanyahay goobtaas. Unugyada cadcad waxay galaan soohyada waxayna bilaawaan in heeraaryeeyaan baktiiriyada iyo waxyaabaha dibedda ka yimid soohyada waxay cunaan wixii dhintay oo way nadiifinayaan marar waxa sameysma malax waxaana bilowda buskood.
cuncun (3) Xajiin xoqod u baahan dareemid.
cuncunid eeg cuncun³.
cundugul Beergooye.
cune 1. Dhuunta cunnadu marto oo isku xirta afka iyo caloosha xaggeeda sare. 2. Wax cuna; cunaa.
cunid eeg cun.
cunitaan Sida gasiinka loo cuno.
cunnaan eeg cunan. ld cunnaansho.
cunnaansho ld cunnaan.
cunnaddiid 1. Qof aan cuntada ka cuni karin inta caadiga ah. 2. C. ah: ilmo yar oo aan cuntada si caadi ah u qaadan. ld cunnaddiidis, cuntaddiid.
cunnaddiidis ld cunnaddiid.
cunnammareen Dhuun dheer, isku xirta afka iyo caloosha oo gasiinku sii maro markuu caloosha u socdo.
cunniin God, dab iwm ciid ku aasid.
cunnimo God, dab iwm duugmid.
<< < 265 266 267 268 269 270 271 272 273 274 275 > >>