Ereyga Maanta: saddex-madaxle
hamuungorayo ld hamuungorgor.
hamuungorgor Sugid la'aanta la sugi waayo cunto dab saaran ama bisil hamuun awgeed. ld hamuungorayo.
hamuuntir (1) Cunto yar oo hamuunta la isaga bi'iyo.
hamuuntir (2) Qof cunto yar oo hamuun lagu bi'iyo siin.
hamuuntirad ld hamuuntirasho.
hamuuntirasho eeg hamuuntiro. ld hamuuntirad.
hamuuntirid eeg hamuuntir².
hamuuntiro Hamuun iska bi'in.
han Isla weynaan aan kibir ku jirin; qab.
hanaayo Cadaawad, nacayb.
hanacun 1. Cunidda boolida. 2. (-no, mdh.) Qof boolida cuna.
hanad Nin karti iyo hufnaan dheeraad ah isku darsaday; diric.
hanano Danaano; hiilo.
hanaq Dhuunta meesheeda hoose oo godan; galaw; halaw.
hanaqaad (1) 1. H. ah: qof filka mas'uu-liyad lagu hanan karo gaaray; tabargal. 2. Diric, geesi. 3. ld hanaqaadid.
hanaqaad (2) Qof fil uu mas'uuliyad ku hana karo gaari; tabargalid.
hanaqaadid eeg hanaqaad². ld hanaqaad¹ (2).
hanasho eeg hano.
handaawad Ubbo tolay ah oo weesada lagu qaato.
handabo Xaalad nafsaani ah oo qofka ku qasabta waxa uu jecelyahay in uu falo. Tus. “Cali naaguhuu handabo ku qabaa”.
handad (1) . 1. ld hanfad ¹, hanfaf. (-dyo, m.dh) Hinqasho, boodid. 2. ld haddidid. 3. ld handadid.
handad (2) 1. (f.g) Qof u cagajuglayn. 2. (f.mg) Bootin fudud nafley dagaal maagani boodid. 3. (f.mg) Qof hurda nixid.
handadaad Cabsi gelin cid loo gaysto. ld haddidid.
handadi Cid sasin. ld hanfadi.
handadid 1. ld handad ¹, hanfadid. eeg handad². 2. ld haddidid.
handadin eeg handadi. ld hanfadin.
handaraab (1) Bir albaabada lagu qataaro qufulkana lagu xiro.
handaraab (2) Albaab handaraab gelin.
handaraaban Albab wax la handaraabay ahaansho.
handaraabasho eeg handaraabo.
<< < 23 24 25 26 27 28 29 30 31 32 33 > >>