Ereyga Maanta: Diilalyo
tawakal (2) Ilaah si buuxda isugu hallayn (qof).
tawakalid eeg tawakal². ld tawakal¹.
tawal (1) Welwel, walbahaar.
tawal (2) Walwalid.
tawalid eeg tawal².
tawbad ld toobad.
taweel ld tuwaal.
tawfiiq Talada san oo laysku raacay; talada roon.
tawin Cudur muddo dheer haya dadka.
tawl 1. T. ah: wax qaab wanaagsan leh. 2. T. ah: qof firfircoon ama shaqo badan. 3. Isir, waalid.
tawllan 1. Wax qaab wanaagsan leh ahaansho. 2. Qof shaqo badan ama firfircoon ahaansho.
tawllanaan eeg tawllanaan. ld tawllanaansho.
tawllanaansho ld tawllanaan.
tawrad Isbeddel siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho oo qaran gudihiisa ka dhaca; ka-caan.
tawreed (dii.) Kitaabkii Nebi Muuse (Naxariis korkiisa ha ahaato).
tawreed Axdigii hore (dii.) Qeybtii hore kitaabka Diinta kirshtaanka, wuxuuna xambaarsanyahay qoraalka Yahuudda, gaar ahaan wixii la xiriira taarikhda dadka Yahuudda.
tawri T. ah: qof isbeddel horumar leh jecel.
tawrinnimo Tawri ahaansho.
taws 1. Calaamad cudurka lagu garto. 2. Tabar yari.
tawtawle T. ah: qof hadal badan oo warkiisu uusan murti lahayn.
tawtawlee War aan murti lahayn sheegid.
tawtawleyn eeg tawtawlee.
tawtiiq Doorad; go'aan.
tawxiid Qiritaanka la qiro in Ilaah kali yahay cibaadadana isaga mudan yahay in la caabudo. ld towxiid.
tax (1) Wax iniino ah oo la taxay ama wax xiriirsan (xoolo ama dad).
tax (2) Wax iniino ah, dhexda ka daloola dun iskula xiriirin.
tax firfircoonaanta (kiim.) Tax muujinaya sida biruhu ugu kala firfircoonyihiin dhinaca falgallada la xiriira ayoonnada ku jira milan.
tax-homoologada (kiim.) Tax ka kooban iskudhisyo kiimikaad oo leh naanays molikuyuulleed guud; halkaas oo molikuyuul kasta oo ka mid ah taxaha kooxdaas uu midka ka horreeya kaga duwan koox atammo ah oo madoorsoome go'an ah;sida taxa baarafiinnada.
taxa maamulka (siyaa.) Hab maamul oo ku shaqeeya sharci rasmi ah, oo la raaco, ayna ka hawlgalaan hawlwadeeno.
taxaabid eeg taxow. ld taxaabo.
<< < 23 24 25 26 27 28 29 30 31 32 33 > >>