cunno Waxa nafaqada leh ee nafleydu marka ay calaaliso,caloosha geliso oo ku noolaato. ld cunto.
cunsii 1. Carruur cunto afka ugu gurid. 2. Cid cunno cunaysa maaweelin.
cunsiin eeg cunsii.
cunsur (1) (canaasiir/-rro, m.dh) Meesha wax asalkiisu ka soo unkamay.
cunsur (2) Dhibaato waxyeello weyn geysato.
cunsurguuri Cid si dhibaato weyn oo haysa ay uga baxdo u curraafayn ama Eebbe u baryid.
cunsurguurin eeg cunsurguuri. ld cunsurguuris (2).
cunsurguuris 1. Qof sixirka aad u yaqaan oo dadka wax ku yeela. 2. ld cunsurguurin.
cuntaddiid ld cunnaddiid.
cuntamid eeg cuntan.
cuntan 1. U c.: u qalmid; u dhigmid. 2. U c.: ka helid.
cuntayn eeg cuntee. ld cuntays.
cuntays ld cuntayn.
cuntaysii Cid cunto siin.
cuntaysiin eeg cuntaysii.
cuntee Wax cunid.
cunto ld cunno.
cunto-sumow (daaw.) Xaalad cudur oo saameysa qaybta dheefshiidka gaar ahaan iyo jirka oo dhan, waxaana keena cunitaanka cunno faasid ah oo wadata baktiiriya ama sun baktiiriya, ama sunta lagu laayo xasharaadka miraha iyo khudradda, amase sun kiimikaad: Pb, Hg (merkuuriyada). Astaamo: 1-24 saacadood kaddib markii la cunay cuntadii sumeysnayd waxaa la isku arkayaa: matag, shuban, calool xanuun iyo lallabo.
cuntodiid C. ah: ilmo yar oo aan cuntada si caadi ah u qaadan.
cuntub 1. Koox askar ah wada jira. 2. Wax isku xiran sida miraha cinabka iwm.
cunug (1) Ilma yar oo lab, wiil.
cunug (2) Ilmo yar oo dheddig.
cunwaan 1. Magaca la siiyo buug, maqaal iwm oo tilmaamaya waxa uu ka hadlayo. 2. Meel cid waraaqaha loogu hagaajin karo. ld cinwaan.
cuq 1. Muddo kooban oo ay digaagaddu ku fadhido ukumaha si ay u dillaacaan. 2. C. ah: digaag ku jirta muddadii fadhiga ee ay ukunta ku dillaacin lahayd. ld uq.
cuqaal eeg caaqil.
cuqdad (1) Meel ciriiri ah.
cuqdad (2) (c.naf) Cudur nafsaani ah oo qofka ku beera shaki iyo kalsooniddarro uu ka qabo naftiisa iyo dadka kaleba. ld cuqdi, cuqdo.
cuqdadayn eeg cuqdadee.
cuqdadee Cid cuqdad ku beerid.
cuqdadlow Qof cuqdad qaba.
<< < 266 267 268 269 270 271 272 273 274 275 276 > >>