Ereyga Maanta: liifmid
daaweysi ld daaweysasho.
daaweysii ld daawee.
daaweysiin ld daaweyn.
daaweyso 1. (f.g) Wax jirran daawo siisasho. 2. (f.mg) Wax si isla eg u qaybsasho. ld daweyso.
daawo (1) ld taawo¹.
daawo (2) 1. Maaddo cudurrada, nabarrada, dhaawaca iwm lagula tacaalo. 2. Heshiis iskaashi oo cid ka dhexeeya. 3. Maaro; xal. ld dawo.
daawo (3) Wax in muddo ah indhaha ku hayn.
daawo (4) (daaw.) Walax kasta oo saameysa qaabka iyo shaqada noole. Daawoyinka waxa loo isticmaalaa ka hortagga, cudur aqoonsiga iyo daaweynta cudurrada iyo baabi'inta astaamahooda.
daawoobid eeg daawow. ld dawoobid.
daawow 1. Wax cudur ka bogsaday noqosho. 2. Wax illaaway noqosho. ld dawow.
daaxuur Daayeer lab oo aad u weyn.
daay Biyo uus laga miiray.
daayac (1) D. ah: qof garasho yar oo aan wax lagu aamini karin.
daayac (2) ld dayac².
daayacaad ld dayac¹.
daayeer (daayeer/-rro, m.dh) Xawayaan afarta addin ku socda oo labada hore sida dadka u adeegsada, qaab ahaanna dadka u eg. ld daanyeer.
daayeerad Dheddiga daayeerka; saayo. ld daanyeerad.
daayicid ld dayicid.
daayimi ld daa'imi.
daayimid ld daa'imid.
daayimin ld daa'imin.
daayimis ld daa'imin.
daayin (1) ld daa'in¹.
daayin (2) ld daa'in².
dab (1) 1. Wax holac kulayl iyo iftiin leh oo ka dhasha gubashada. 2. Hub. 3. Danab. ld deb.
dab (2) Ceel maax ah oo aan dowlis lagu cabbin.
dab (3) 1. Ugaar, shimbir iwm dabin ku qabasho. 2. Timo soohid. 3. Il muddo yar isku hayn.
daba-aal Wax wax kale gadaashiisa aallid.
daba-aallid eeg daba-aal.
daba-imow Ka d.: qof, xoolo iwm gadaal ka soo gaarid.
<< < 283 284 285 286 287 288 289 290 291 292 293 > >>