Ereyga Maanta: jacbursi
dambar Caanaha ugu horreeya neef dhalay laga maalo.
dambari Neef dhalay dambar ka lisid.
dambarin eeg dambari. ld dambaris.
dambaris ld dambarin.
dambarsad ld dambarsasho.
dambarsame Lixda bilood ee dayrta iyo diraacda oo dayaxu uusan dirirka la fariisaneyn (Baladambarsame). ld damba- same.
dambarsasho eeg dambarso. ld dambarsad, dambarsi.
dambarsi ld dambarsasho.
dambarso Neef dhalay dambar ka maalid.
dambas 1. Budo midab ciira boos ah leh oo ka harta dhuxul bastay. 2. D. ah: Midab ciira boos ah. ld bambas.
dambasame ld dambarsame.
dambasayn eeg dambasee. ld bambasayn.
dambasee Wax dambas marin. ld bambasee.
dambasoobid eeg dambasow. ld bambasoobid.
dambasow Qoryo, dhuxul iwm dambas noqosho. ld bambasow.
dambasqaad Weel yar, dhalo, macdan, qori iwm ka samayn oo sigaarka lagu demiyo.
dambasyaal 1. D. ah: dhagax weyn oo dhardhaar laga dhigto. 2. Qori weyn, qallalan oo muddo badan la shidan karo.
dambaxir (1) Xarig gaaban oo sac la lisayo sibraha looga xiro.
dambaxir (2) Sac la maalayo sibraxirid.
dambaxiran Wax dambaxir lagu sameeyey ahaansho (sac la lisayo).
dambaxirid eeg dambaxir².
dambaxirnaan eeg dambaxiran. ld dambaxirnaansho.
dambaxirnaansho ld dambaxirnaan.
dambayn eeg dambee.
dambaysii Ka d.: wax, wax kale gadaashooda dhigid.
dambaysiin eeg dambaysii. dambe s. 1. Ka d.: dabadeed, kaddib. Tus. “Fasaxa ka dambe ayaan is arkaynaa”. 2. Gadaal xiga; dambeeya. ld damme.
dambee 1. Ka d.: wax, wax kale gadaashooda socosho ama taagnaan. 2. Ka d.: cid xushmadeyn.
dambeed (xis.)Ururka xubnaha dambe ee lammaaneyaal horsan ee xiriir. Guud ahaan waa ururka leh tirsaneyaal ee la dhigo dhidibka taagan (dhidibtay) ee garaaf.
dambeeto Dabadeed, kaddib.
dambi ld dembi.
<< < 313 314 315 316 317 318 319 320 321 322 323 > >>