Ereyga Maanta: qawadid
hantaatac1  Hadal aan milgo lahayn. ld hantatac¹. hantaatac2  Hadal aan milgo lahayn sheegid. hantaaticid  eeg hantaatac². ld hantaticid.
hantaaturree  Wax ordaya ama soconaya turaanturro u dhigid.
hantaaturreyn  eeg hantaaturree.
hantaaturro  1. Wax soconaya ama ordaya waxa horay u rida. 2. Dhibaato.
hantaluul  Hamuungorayo.
hantaq  Meel dhulka ka hoosaysa oo yara godan. ld hataq.
hantatac1  ld hantaatac¹. hantatac2  ld hantaatac². hantaticid  ld hantaaticid.
hanti1  1. Wax mood iyo nool ah ee cidi leedahay. 2. Maal badan. hanti2  1. Wax mas'uuliyaddooda ka adkaansho. 2. Wax lahaanshihiisa la wareegid. hanti-abuur  Aruurin hanti ah. ld hanti-abuurid.
hanti-abuurad  Aruursashada hanti ah. ld hanti-abuursasho.
hanti-abuurasho  ld hanti-abuursad.
hanti-abuurid  ld hanti-abuur.
hantidhawr  1. Xaafiis dawlad, hay'ad, qof iwm u qaabbilsan ilaalinta lacagta in sidii loogu talaggalay loo isticmaalay. 2. H. ah: qof xaafiiskaas ka shaqeeya.
hantiggelin  Maalggelin.
hantiggoosad  ld hantiggoosi.
hantiggoosi  Hab dhaqan-dhaqaale oo qalabka waxsoosaarka iyo faa'iidadaba dad gaar ahi leeyahay. ld hantigoosad.
hantigoosad-dawladeed  (siyaa.) Hab dhaqaale, ama siyaasad, ee hantida ganacsiga, iyo warshadaha ay leeyihiin dad gaar ah, oo aan ahayn dawlad, kuwaas oo ku tartama fa'idada.
hantihur1  Hanti isku hallayn loo qaato iyadoo aan la isa siin. hantihur2  ku hantihur: Hanti aan la isa siin si isku hallayn ah u qaadasho. hantihurid  eeg hantihur².
hantiile  1. Qof hanti leh. 2. Qof maaliyad badan leh.
hantin  ld hantiyid.
hantiwadaag  Hab dhaqan-dhaqaale oo qalabka waxsoosaarka iyo waxa la soo saaraba dadweynuhu u simanyahay.
hantiwadaag-dawladeed  (siyaa.) Qaran siyaasaddiisa iyo dhaqaalahiisu ku nidaamsanyahay mabda'a hantiwadaagga.
hantiwadaagee  Hanti gaar ah hanti guud ka dhigid.
page : 33 of 93
<< < 28 29 30 31 32 33 34 35 36 37 38 > >>