Ereyga Maanta: gur
baraaraysnaansho ld baraaraysnaan.
baraare Nolol barwaaqo, caafimaad iyo nabadgalyo leh. ld baraaro.
baraari Cid baraare siin (Eebbe).
baraarid eeg baraar4.
baraarin eeg baraari. ld baraaris.
baraaris ld baraarin.
baraarnimo Baraar ahaansho (ido).
baraaro ld baraare.
baraarshishi (1) 1. Sabeen asooshay iyadoo aan gaarin da'dii ay ku rimi lahayd. 2. ld baraarshishiyid.
baraarshishi (2) Sabeen iyadoo aan gaarin da'dii ay ku rimi lahayd asoolid.
baraarshishiyid eeg baraarshishi². ld baraarshishi¹.
baraarug (1) 1. Dareen iyo feejignaan dheeraad ah oo arrin loo yeesho. 2. Si aan caadi ahayn oo dhaqsi leh oo hurdo looga koco. ld baraarugid.
baraarug (2) Dugaagad bir ama maar ah oo carruurta gacanta ama lugta loogu xiro si ayan hurdada uga soo sasin.
baraarug (3) 1. Qof iskiis hurdo uga kicid. 2. Si aan caadi ahayn oo dhaqsi leh hurdo ugu kicid. 3. Dareen iyo feejignaan dheeraad ah arrin u yeelasho.
baraarugid eeg baraarug³. ld baraarug¹.
baraarugsan Wax baraarugay ahaansho.
baraarugsanaan eeg baraarugsan. ld baraarugsanaansho.
baraarugsanaansho ld baraarugsanaan.
baraaruji 1. Cid hurdo ka toosin. 2. Dareen iyo shucuur dad kicin.
baraarujin eeg baraaruji. ld baraarujis.
baraarujin-caafimaad (daaw.) Habab qanciya dadka si loogu dhiirraggeliyo in ay ku dhaqmaan hab nololeed wanaajinaya caafimaadka kana fogaadaan caadooyinka loo haysto in ay caafimaadka wax u dhimayaan cimri nololeedka soo gaabinaya.
baraarujis ld baraarujin.
baraarujsanaan (taar.) Fikrado kasta, afkaar, dareen, rajooyin, ujeeddooyin, xusuus uu qofka ama dadka u leeyahay.
baraas (kiim.) Nooc kasta oo ka mid ah birdhafyada kubram-sink oo ilaa 50% tahay sink. Marka xaddiga sink la kordhiyaba, midabka birdhafku wuxuu iskula beddelaa sidan: dahabi-cas oo noqda dahabi; ilaa laga gaadho caddaan-qalimeed. Baraasyada si fudud ayaa loo sameeyaa, si wacanna way ugu adkaystaan daxalaysiga.
baraashirix Midab ka kooban baro yaryar badan, midabbo kala duwan ah oo riyuhu yeeshaan..
Baraasiil eeg Barasiil
barabbax (fiis.) 1. (dareere) Xaddiga dareeraha ah ee barabaxay marka walax idilikeed ama qaarkeed la dhexgaliyo dareere. 2. (Socod) Isbedelka meeleed. Fogaanta walaxi ka dhaqaaqday meeshii ay taagnayd. Marka xoog dhaqaajinaya uu falayo.
barabbax (1) ld barabbixid.
barabbax (2) Barada lagu koray ka bixid; barakac.
barabbixid eeg barabbax². ld barabbax¹.
<< < 29 30 31 32 33 34 35 36 37 38 39 > >>