tibsi Saxan macdan ama maar ka samaysan, ballaaran oo cuntada lagu cuno.
ticisi Nooc ka mid ah qaadka oo ka yimaada magaalada Ticis ee dalka Yemen.
tidac ld tidic¹.
tidcamid eeg tidcan¹.
tidcan (1) Timo, xarig iwm wax la tidcay noqosho.
tidcan (2) Timo, xarig iwm wax tidcay ahaansho.
tidcanaan eeg tidcan². ld tidcanaansho.
tidcanaansho ld tidcanaan.
tidcasho eeg tidco.
tidcid eeg tidic². ld tidic¹.
tidco 1. Xarig soohasho. 2. Timo tidcasho.
tidic (1) 1. ld tidac. T. ah: wax tidcan. 2. ld tidcid.
tidic (2) Dun, xarig, timo iwm hab gaar ah isugu soohid.
tif (1) 1. (-faf, m.l) T. ah: wax buuxa oo aan dhinnayn. 2. Cad ama daliig dun ah ama caws. 3. Dhibcidda.
tif (2) Cod lagu muujiyo dhibcidda.
tif (3) 1. Qori wax dhuuban ka dhigid. 2. Wax duf ka rifid.
tifaftir (1) ld tifaftirid.
tifaftir (2) War iwm si bayaan ah oo qeexan u sheegid.
tifaftiran Wax la tifaftiray ahaansho.
tifaftirane (nax.) Curiyaha la tifaftiro sida “ninkan” (“nin” ayaa ah midka tifaftiran).
tifaftire (nax.) Curiye tifatira mid kale (tus.: ninkan, “kan” ayaa tifaftire ah).
tifaftirid eeg tifaftir². ld tifaftir¹.
tifaftirnaan eeg tifaftiran. ld tifaf-tirnaansho.
tifaftirnaansho ld tifaftirnaan.
tifan Wax la tifay ahaansho.
tifid eeg tif³.
tifiq (1) Dhibicda dhiciddeeda ama iyada lafteeda.
tifiq (2) Hoore dhibic-dhibic u soo dhicid. ld tifiqlee, tiflee, tifqaan.
tifiqlayn ld tifqid.
tifiqlee eeg tifiq².
<< < 29 30 31 32 33 34 35 36 37 38 39 > >>