Ereyga Maanta: jimcobarqadle
darfac ld dafac.
darfi 1. Derin, maro iwm daraf u yeelid. 2. Hoore qubid.
darfiyid eeg darfi.
darfooley Nooc dermooyinka ka mid ah oo darfo casaan ah leh.
dargad 1. Dhisme dhulka ka kacsan oo kaneecada laga fuulo ama miraha lagu qallajiyo. 2. Sariir yar oo ilmaha dhashay la seexiyo. ld daragad.
dargashabeel ld durgeyshabeel.
darib Hilibka geela intiisa baruurta leh. ld darab² (2).
darid eeg dar³. ld daris.
dariiq 1. Waddo yar oo dadka iyo xooluhu qaadaan. 2.Bayd faal oo afartiisa hagood tahay min hal.
dariiqo Jameeco wadaaddo ah, leh maamul, digri iyo ducooyin u gaar ah, kuna abtirsata shiikh weyn.
dariir Laf hilib ka dhammayn.
dariiran Laf, wax la dariiray ahaansho.
dariirid eeg dariir.
dariirnaan eeg dariiran. ld dariirnaansho.
dariirnaansho ld dariirnaan.
dariishad Mid ka mid ah daloollada loo yeelo aqallada iwm oo ay iftiinka iyo naacawdu ka soo galaan; khalfad.
daris 1. Caws adag oo gaaban oo ka baxa meelaha qoyaanka joogtada ah leh, ris; guxud. 2. Ceel biyo badan oo mar kasta buuxa. 3. ld darid.
darmaan (1) 1. Ubad fardood oo lab. 2. Nin mingis qaba.
darmaan (2) 1. Ubad fardood oo dheddig. 2. Qof dumar ah oo qaba mingis.
darmad (1) 1. Midab guduud oo madow xigeen ah oo xooluhu yeeshaan. 2. ld darmasho.
darmad (2) Koor boodaanta ka yar, aleelkana ka weyn.
darmasho eeg darmo. ld darmad¹ (2).
darmi Xoolo meel daran leh daajin.
darmid eeg daran². ld darsamid.
darmin eeg darmi.
darmo Ku d.: wax, wax kale ku biirid.
darnaan eeg daran³. ld darnaansho, darni, darno, darsanaan, darsanaansho.
darnaansho ld darnaan.
darni ld darnaan.
darno ld darnaan.
<< < 327 328 329 330 331 332 333 334 335 336 337 > >>