abshir 1. War wanaagsan oo farxad leh. 2. Dariiq toosan oo kheyr lagu gaaro. Tus. “Abshirta Alle hana waafajiyo”.
absiisa (xis.) Kulanka-x oo barbarro ahaan loogu cabbiro dhidibka-x ee habdhiska kulanka kaartis.
abti 1. Haweeney carruurta ay dhashay waxa uu walaalkeed u yahay. 2. u.j. abtiyow! 3. u.j. wiilka aan abtiga u ahayow!; gabadha aan abtiga u ahayey.
abtibadbaadeed Haweeney carruurta ay dhashay waxa uu ina adeerkeed u yahay.
abtinnimo Abti ahaansho.
abtiri U a.: qof faraciisu siday isu dhaleen sheegid.
abtirin eeg abtiri. ld abtiris.
abtiris ld abtirin, abtirsiinyo.
abtirsad ld abtirsasho.
abtirsasho eeg abtirso. ld abtirsad, abtirsi.
abtirsi ld abtirsasho, abtirsiinyo.
abtirsiimo ld abtirsiinyo.
abtirsiino ld abtirsiinyo.
abtirsiinyo Aqoonta ku saabsan awoowayaashii hore magacyadooda iyo siday isu xigeen; abnaq. ld abtiris, abtirsi, abtirsiimo, abtirsiino.
abtirso 1. Qof abtirsiinyadiisa sheegasho. 2. Ku a.: awoowo hore abtirsiinyo ku gelid.
abtisarow Sarmooyinka dhabannada iyo labada indhood dhexdooda carruurta uu ka saro abtigood durugsan; sarow.
abtiyoobid eeg abtiyow².
abtiyow1 Soo bixidda gabar qaangaartay naasku u soo baxo. Tus. “Naas abtiyow ayaa u soo baxay”. abtiyow2 Gabar qaangaartay naas ka soo bixid. abur Xumbo (siiba midda uu soo saaro aworka qooqan). ld ubur.
aburi Abur yeelasho ama soo saarid (siiba awrka qooqan). ld uburi.
aburin eeg aburi. ld uburin.
aburshuqlayn ld abashuqlayn.
aburshuqle ld abashuqle.
aburshuqlee ld abashuqlee.
abuuddocan ld abuuddoocan.
abuuddoocan Timir yaryar, guduudan, aad u macaan oo ka baxda degmada Doocan ee Yaman. ld abuuddocan.
abuudiiq A. ah: badeeco diiq, astaan ahaan dusha kaga sawiran.
abuullan Awoowayaal hore oo cidi ka soo farcantay.
abuumaqas 1. Nafley bad ku nool ah oo leh jir qolof adag ku dahaarantahay, toban lugood oo labada hore u egyihiin maqas oo la cuno; koombe. 2. Nooc ka mid ah sigaarradii 40kii iyo 50kii Soomaaliya laga cabbi jirey oo dusha maqas kaga sawirnaa.
page : 15 of 1584
<< < 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 > >>