abaarikeentay Dad aan dhulka ku dhalan oo waa dambe dalaw ku yimid.
abaaroobid eeg abaarow.
abaarow Wax abaari ku dhacday noqosho (meel).
abaarsad ld abaarsasho.
abaarsasho ld abaarsad, abaaraysasho.
abaarso ld abaarayso.
abaaseere Qof madax ka ah goobta booranaha ama mingiska lagu tumo. ld abbaseere.
abab1 Ubad xoolaad oo daaq barad ah. ld abaab¹, ababid. abab2 1. Ubad xoolaad daaq barasho. 2. Ku a.: dhallaan dad, aqoon, dhaqan iwm ku barbaarin. ld abaab². ababi 1. Ubad xoolaad daaq barid. 2. Ku a.: dhallaan dad, aqoon, dhaqan iwm barid. ld abaabi.
ababid eeg abab². ld abaab¹, abaabid, abaabis, abab¹, ababis.
ababin eeg ababi. ld abaabin.
ababis ld ababid.
abad Markii magacuyaal lahaansho lagu lifaaqo wuxuu la micna yahay “weligii”. Tus. “A.kii ma imaan” oo la mid ah “weligiis ma imaan”. ld abadan, abid, abiid, ebed.
abadan Eray lagu muujiyo diidmo adag. ld abad.
abaddar 1. Qof aan waxba laga dhaadhicin karin; macangag. 2. Geesi aan caqli lahayn.
abaddarnimo Abaddar ahaansho.
abakaar Haweeney waxyaabo yaryar ka ganacsata.
abakaarnimo Abakaar ahaansho.
abaqaal1 Tallaalidda laan geed laga soo gooyay lagu tallaalo geed kale. ld abqaalid. abaqaal2 Laan geed laga soo gooyey geed ku tallaalid. abaqaalid eeg abaqaal². ld abqaal¹.
abasax1 ld abasaxi. abasax2 (Hal) wax abaahin u baahan noqosho. abasaxan ld abasaxsan.
abasaxi 1. Baahida ay hal ama qaalin geel ahi u qabto abaahi. 2. A. ah: hal ama qaalin geel oo u baahan abaahi.
abasaxnaan ld abasaxsanaan.
abasaxnaansho ld abasaxsanaan.
abasaxsan Wax abaahin u baahan ah ahaansho (hal).
abasaxsanaan eeg abasaxsan. ld abasaxnaan, abasaxnaansho, abasaxsanaansho.
page : 11 of 1584
<< < 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 > >>