curiye

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-yayaal m.l/dh)

Macnaha:

  1. (riw.) Qofka wax curiya.
  2. (kiim.) Walaxda aan loo sii kala bixin karin walxo ka sii fudud asal haan. Atammada curiyuhu waxay dhammaantood leeyihiin tiro borotoon oo isku mid ah iyo weliba tiro isku mid ah oo elektaroon, taas oo jaangoysa firfircoonaanta kimikaad. Curiyayaasha, dabiici ahaan, laga helo dhulku waa ilaa 92.
  3. (nax.) Erey guud oo tilmaama xubin ka mid ah xubnaha uu shay ka koobanyahay, sida erey oo ah xubin ka mid ah weerta ama dibkabe oo ah xubin ka tirsan ereyga.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur