alwaax
(Magac Lab/Dheddig Urur | Noun Masculine/Feminine Collective)Qoryo xalleefsan oo si gaar ah loo qoro oo laga sameeyo qalabka guryaha sida, sariiraha, kuraasta, albaabyada, miisaska iwm.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh alwaax ↴
raando [m.dh]
Qalab ka kooban alwaax bir af dhexda ku leh oo lagu simo alwaaxda.
baraako [m.dh] (-ooyin, m.l)
Guri ka sameysan alwaax dushana jiingad kaga dedan tahay. ld baraakad.
dalooliye [m.l]
Bir af dhuuban oo girgirro leh oo alwaaxda, birta iwm lagu dalooliyo. ld duleeliye.
faarad [m.dh] (-do, m.l)
Qalab yar oo gacan buuxis ah oo dhexda ku leh xalleefato loo isticmaalo turxaanbixinta iyo sulux ka dhigidda alwaaxda; raando.
geedaggable [m.l]
Cayayaan duula, qolof adag, oo cuna qoryaha iyo alwaaxd.
liif [m.l]
1. ld luuf. 2. Xashiish jilicsan oo ka hara alwaaxda la qoro. 3. Dhagax xalleefsan oo lagu luufo. 4. Qaynbaar. 5. Sooloji ahaan, dhisme timaha oo kale ah oo dheer, sida tifafka yar yar ee baalasha shimbiraha.
miis [Magac Lab | Noun Masculine]
1. ld miisad. Qalab ka samaysan alwaax, bir, ama wax kale oo fidsan lugo ku taagan oo siyaalo kala geddisan loogu isticmaalo xafiisyada iyo guryaha. 2. Xoogaa cunto ah oo beegan oo aan bislayn. 3. Heer nolosha laga gaaro. 4. Meel dad koox ahi cunto loogu sameeyo. 5. ld miisid.
miisad [Magac Dheddig | Noun Feminine]
Qalab ka sameysan alwaax, bir, iwm fidsan oo lugo uu ku taagnaado leh oo siyaalo kala duwan guryaha iyo xafiisyada loogu isticmaalo. ld miis¹ (1).
mitirkubbe [Magac Lab | Noun Masculine]
1. Cabbir hooraha lagu qiyaaso, oo saddex jibbaaran.2. Guri m. ah: guri ka samysan alwaax laysku dhedhejiyey.