dheh
(Fal Gudbe/Labagudbe1 | Verb Transitive/Bitransitive1)(yiri, tiri/dhahay, dhahday; dhihi) Wax ku tiraabid; sheegid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dheh ↴
baf [Magac Dheddig Shanqar-raac | Noun Feminine Ideophone]
B. dheh: cod lagu muujiyo wax si kedo ah lagu jebiyo.
balow [Magac Dheddig Shanqar-raac | Noun Feminine Ideophone]
B. dheh: baw dheh.
big [m.dh]
1. Sharrax, bilid, naqash, qurxin. 2. (sh.r) If, inta muuqda durbadiiba qarsooma; bilig. 3. B. dheh: carar meel si deg-deg ah looga tago.
bikaac [Magac Dheddig Shanqar-raac | Noun Feminine Ideophone]
Cod lagu muujiyo bikaacsashada; b. dheh; b. ka sii.
bow [m.dh]
1. Jug; b. sii: qof wax ku dhufasho. 2. (sh.r) B. dheh: cod lagu muujiyo dhufashada.
bowbow [m.dh]
B. dheh: codka durbaanka iwm. ay sameeyaan marka la tumo.
bu' [m.dh]
(bu'o, m.l) 1. Isha nafleyda inteeda madow. 2. Afarta caloolood ee raamsatada middeed. 3. Cudur beeryarada barariya oo kaneecada laga qaado. 4. (sh.r) B. dheh: cod lagu muujiyo shanqar aad u badan..
bud [m.dh]
1. Ciidda la tuuro qabriga dushiisa oo calaamad u ah. 2. Iil. 3. B. soo dheh: soo bixid (qorrax, dayax iwm).
bug [Magac Dheddig Shanqar-raac | Noun Feminine Ideophone]
B. dheh: cod lagu muujiyo qarax ama dhac.
buluqbuluq [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
1. Buluqbuluqleynta. 2. B. ah: qof buuran oo hilib jilicsan leh. 2. (sh.r) B. dheh: cod lagu muujiyo shanqar mayridda ah.