dhiil
(m.l) (-lal, m.l)Haruubka dhiisha lagu daboolo.
dhiil
(m.dh) (-lo, m.l)Weel tolay ah, sidde iyo aabur leh, aagaanta ka yar oo caanaha lagu shubto.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhiil ↴
aabbur [m.l] (-rro, m.dh)
Weel yar, wax lagu shuban karo, oo dhiilaha, haamaha iwm afka lagaga xiro.
taab [m.l] (-bab, m.l)
1. Xargo isweydaarsan oo gadawga wadaanta iyo dhiilaha loo yeelo si markay buuxaan loogu qaado. 2. Agagaarka guriga. 3. Ubaxa ka soo baxa geedka digirta inta uusan miro yeelan. 4. ld taabid. taabid
haaneedso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
1. Hal godlan si loo maalo isbahardaadin. 2. Hal haaneedka ka maalid iyada oo dhiilka jilibka lagu hayo ama la saarayo.
bukur [m.l] (-rro, m.dh)
Haruubka dhiil ama aagaan yar.
caanammaceeye [m.l]
Geed maygaagga u eg oo lagu culo haamaha iyo dhiilaha iwm. ld caanammacays.
carrog [m.l]
Biyaha ama caanaha haan ama dhiil la culay carka looga dhaqo.
carrog [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
Haan ama dhiil la culay biyo ama caano carka uga dhaqid.
carrogan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-gnaa, -gnayd)
Haan ama dhiil la culay biyo ama caano wax carka looga dhaqay ahaansho.
dareen [m.l]
1. Garasho ku abuurta niyadda qofka isbeddal nafsadeed. 2. War dhiilo leh. 3. Tuhun; shaki.
dhambal [m.dh] (-lo, m.l)
1. Raro. 2. Nooc aleesha ka mid ah oo inta la taxo dhiilasha iwm lagu qurxiyo. ld dhombol.