gabal
(m.l)

ld gobol.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gabal

jaan [m.dh] (-aamo, m.l)
1. Cad yar oo saan ah oo loo jaray qaab kabeed. 2. Meel bannaan. 3. Gabal yar oo shay ah. 4. Kab dhammaatay. 5. Naqshad farsamo. 6. (muus.) Ridmada sacabka iyo lugaha laga sameeyo marka ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka la ciyaarayo.

cad [m.l] (-dad, m.l)
1. Gabal hilib ah. 2. C. ah: in maro, dhul, xaashi iwm ah. 3. C. ah: qof gaboobay oo aan waxba qaban karin.

cadcadee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-deeyay, -deysay)
Wax gaballo yaryar ka dhigid. ld cadadee.

go' [m.l] (-'yaal, m.l/dh)
1. Maro aan afka isaga tolnayn oo raggu xirto ama huwado. 2. Gabal; cad.

gobol [m.l] (-llo, m.dh)
1. Qayb, cad. 2. Qaybaha dal u qaybsan yahay middood. ld gabal.

harqad [m.dh] (-do, m.l)
1. Gabal maro ah. 2. Galka barkinta. 3. ld harqasho.

jasiirad [m.dh] (-do, m.l)
(jool.) Gabal dhul ah oo ay ku wareegsanyihiin biyo, gabalkaasi dhulka ah wuxuu ku dhexyaal badweyn, bad, haro, ama webi. ld jasiiro.

kar [m.dh] (-ro, m.l)
1. Gabal yar oo harag, xaashi adag iwm. oo wax lagu karo. 2. Madax nirgood oo la cucubay oo hal lagu maalo.

kubbad-badh [m.dh] (-do .., m.l)
(juqr.) Nuska dhulka, marka sallax dhexdiisa la matiyay uu labo gabal o isla eg u qaybiyo. Dhulka badanaa waxaa loo qaybiyaa kubbad badhka woqooyi iyo kubbad badhka koonfureed, kan hore waa badhka ushiisa ah ee dhulka badhaha woqooyi ka xiga, kan dambena waa midka koonfur ka xiga dhul badhaha.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg