gad
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-day, -dday)1. Badeeco lacag ku beddelid. 2. Wax tirid. Tus. “Roob baa raadkii gaday.” 3. Weyso burin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gad ↴
taab [m.l] (-bab, m.l)
1. Xargo isweydaarsan oo gadawga wadaanta iyo dhiilaha loo yeelo si markay buuxaan loogu qaado. 2. Agagaarka guriga. 3. Ubaxa ka soo baxa geedka digirta inta uusan miro yeelan. 4. ld taabid. taabid
yaac [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-cay, -cday)
1. Dad, duunyo ama qalab kala firdhasho. 2. Ka soo y.: furuuruc iwm oo gada dusheeda ka soo bixid.
faagad [m.l]
ld faagasho. faagasho
raacdarreeb [m.dh]
Dad gadaal ka daafacaya col wax dhacay ama wax dilay; Geeddan.
daaf [m.l]
(daaw.) Halamacoodka xuubka isha iyo baalasha kaasoo gaduuta oo barara soona daaya biyo ama malax.
faa'iido [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Munaafacaad dheeraad ah oo wax loo hawl galay laga helo. 2. Badeeca marka la gado, inta raasumaalkii hore ku kororta. ld faa'ido, feydo¹. faa'ido, feydo
gaadala-aqoon [m.dh]
ld gadaala-aqoon. gadaala-aqoon
laafyo [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
Hore iyo gadaal u tuuridda gacmaha marka la soconayo iyadoo la isdhaafinayo.
laafyoo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
Iyadoo la iswaydaarinayo gacmaha marka la soconayo horay iyo gadaal u ridid.
maangad [m.l]
Arrin adag oo caqliga ka weyn.