Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: teershari
naafow2  Naafo noqosho. ld naafo³. naafto  ld nafto.
naag  1. Haweenay la guursaday; afo; oori; arad; maranti. 2. Haweenay karti iyo xishood leh. 3.Labada qof ee isqaba midka dheddig.
naagaysad  ld naagaysasho.
naagaysasho  eeg naagayso. ld naagaysad.
naagayso  1. Naag ka dhigasho. 2. Naag xiriir galmo la yeelasho.
naagnimo  Naag ahaansho.
naajax1  1. Miro bislaaday. 2. Qof la oggolaysiiyay inuu fuliyo arrin laga lahaa. 3. Qof dhaqaalo ahaan ladan. naajax2  1. Midho ama arrin wax bislaaday noqosho. 2. Hanti badan yeelasho. 3. Arrin raalli ka noqosho. naajaxsan  1. Wax bisil ahaansho. 2. Wax dhinac kasta ka raalli ah ahaansho.
naajaxsanaan  eeg naajaxsan. ld naajaxsanaansho.
naajaxsanaansho  ld naajaxsanaan.
naajixi  Wax naajax ka dhigid.
naajixid  eeg naajax².
naajixin  eeg naajixi.
naakhuude  Qof markab ama dooni madax ka ah.
naakhuudee  U n.: Si cid loo khiyaamo wax aanad ahayn iska yeel-yeelid.
naakhuudeyn  eeg naakhuudee.
naakirad  Naag sharcigu caddeeyay in ay ninkeeda caasi ku noqotay oo aan nin kale guursan karin. ld naakiro, naashiddo, naashiso, naashuusho.
naakiro  ld naakirad.
naakuuso  Xog yar oo laga helo arrin qarsoon.
naallee  Ku n.: 1. Farax iyo guul ku jirid. 2. Wax rajo ku eegid. ld naalloo.
naalleyn  eeg naallee. ld naallood.
naallo  1. Ladnaan xag dhaqaalo iyo caafimaad. 2. Yididdiilo wanaagsan.
naalloo  ld naallee.
naallood  ld naallayn.
naamuus1  ld maamuus¹. naamuus2  ld maamuus². naamuusid  ld maamuusid.
naamuusiyad  ld maamuusiyad.
page : 1115 of 1584
<< < 1110 1111 1112 1113 1114 1115 1116 1117 1118 1119 1120 > >>

 

Exit mobile version