Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: xarmasho
nootaayo2  Xafiis awood loo siiyey in uu u sharciyeeyo dadweynaha waxyaabaha ay kala beddelanayaan ama dhaxalka. noqo  1. Wax jihadii uu ka yimid dib ugu laabasho. 2. Cid ama wax sidii hore si ka duwan isu rogid, dabeecado gaar ah yeelasho. 3. Ilmo yar saqiirid. 4. La n.: cid arrin iwm si gaar ah ugu muuqasho. 5. La n.: cid saaxiibnimo, qaraabanimo, ama xiriir kale la yeelasho. 6. Ku n.: hawl mar labaad dib ugu laabasho (cid).
noqod  1. Dib ugu laabashada wax meeshii ay ka yimaadeen dib ugu laabto. 2. ld noqosho.
noqosho  eeg noqo. ld noqod (2).
nud1  Meesha la iskaga xiro xarko, dun iwm. nud2  Xarko, marooyin iwm isku xirid. nuday  Nafaqada laga helo wax la quuto.
nude  (c.nafl.) Urur unugyo ah oo u habaysan inay wada qabtaan hal shaqo ama in ka badan oo u gaar ah, tusaale ahaan, nudaha dareenwadku waxay gaar u yihiin inay qabtaan gudbiyaanna nashaadinta. Organnada sida wadnaha ama kelyaha waxay ka koobanyihiin noocyo badan oo nudo kala duwan ah.
nudid  eeg nud².
nugaal1  Midab madow oo lo'da u gaar ah. nugaal2  Dhul ciid jilacsan oo boor leh. nugayl  Adkasyandarro, jileec.
nuglaan  eeg nugul². ld nuglaansho.
nuglaansho  1. eeg nuglow. 2. ld nuglaan.
nuglow  Ku n.: cid wax u dabacsan noqosho.
nugul1  Xoolaha aan harraadka u adkeysi badnayn sida lo'da, fardaha iyo idaha. nugul2  Nafley aan adkeysi lahayn ahaansho. nugushi  Roobka ugu horreeya ee guga da'a; roob garas.
nuguur  Dabeecad; akhlaaq.
nuguushi  Xiddigaha nuguushiyaha la yiraahdo (nuguushi cad iyo nuguushi guduudan) oo raqaha ku jira midkood, waxay u dhexeyaan cadaad iyo afagaal; agaalli.
nujub1  1. N. ah: nafley dadku u haystaan in aragtideeda nasiibdarro lagala kulmo; bacow. 2. Duufaan badeed. nujub2  Ku n.: wax aragtidooda nasiibdarro kala kulmid. nujubid  eeg nujub².
nujumi  Cilmiga xiddigaha wax ka sheegid.
nujumin  eeg nujumi.
nukliyootaydh  (baay.) Iskudhis orgaanik ah oo ka samaysmay raybows asiidha foosfoorik iyo naytroojiin.
nuqsaamid  eeg nuqsaan². ld nusqaamid.
nuqsaan1  N. ah: wax aan dhammayn. ld nusqaan¹. nuqsaan2  Wax aan dhammayn noqosho. ld nusqaan². nuqul  Sawir ama koobi laga sameeyo qoraal asal ah.
page : 1145 of 1584
<< < 1140 1141 1142 1143 1144 1145 1146 1147 1148 1149 1150 > >>

 

Exit mobile version