Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: margaag
daadguree 1. Wax badan meel si degdeg ah uga qaadid. 2. Wax iyadoo meel kale la geynayo halis ka badbaadin.
daadi Wax meel ay ku jireen ka geddin.
daadid eeg daad².
daadin eeg daadi. ld daadis.
daadis ld daadin.
daado 1. Wax meel ku jiray qubasho. 2. Qosol la d.: ilaa laga ilmeeyay qoslid (dad badan).
daadsan Wax la daadiyay ahaansho.
daadsanaan eeg daadsan. ld daad-sanaansho.
daadsanaansho ld daadsanaan.
daaduf (1) Qof shaqsiyaddiisu liidato oo cayr ah. ld daadduf¹.
daaduf (2) Qof cayrnimo darteed la carcaraafid. ld daadduf².
daadufid eeg daaduf². ld daaddufid.
daadxoor 1. Xumbo saaruq wadata oo ka samaysanta xawliga biyaha, siiba daadadka. 2. Saaruqda daadadka ka harta.
daaf Doc; dinac; hareer.
daaf (1) Xanuun indhaha ku dhaca; bakooro.
daaf (2) (daaw.) Halamacoodka xuubka isha iyo baalasha kaasoo gaduuta oo barara soona daaya biyo ama malax.
daaf (3) Daaf ku dhicid.
daafac (1) ld daaficid.
daafac (2) Wax iska celin ama cid kale ka celin. ld difaac².
daafacaad Ka hortagidda laga hortago halis cid ku soo fool leh.
daafad (fiis.) Daafad xariiqeed (p) ee walax waa taranta cufkeeda (m) iyo keynaanka (v) ee walaxda. Daafaddu waa xaddi leeb oo u jeeda dhanka jihada keynaanka.
daafad-xagleed (fiis.) Summad L. Taranta keynaanka xagleed ee walaxda (w) iyo wahsiga maroojiskeeda. Tus. “L = Iw”
daafi Nooc ka mid ah badarka oo aad u yaryar, canjeeladana laga sameeyo.
daaficid eeg daafac². ld daafac¹, difaac¹, difaacid.
daafid eeg daaf³.
daafkaddeeg (1) 1. D. ah: qof xoolo lahaa oo cayroobay. 2. ld daafkaddeegid.
daafkaddeeg (2) Cayroobid qof xoolo lahaa.
daafkaddeegid eeg daafkaddeeg². ld daafkaddeeg¹ (2).
daah 1. Dibdhac; raagis; dubudhac. 2. ld daahid.
daah (1) Ilixir laga sameeyay dhar ama shiraac ama wax kale oo lagu xiro albaabbada iyo khalfadaha iwm ama qolalka lagu kala gooyo.
<< < 276 277 278 279 280 281 282 283 284 285 286 > >>

 

Exit mobile version