Ereyga Maanta: miryaadis
dhalool Magac guud oo kulmiya geednugeylka.
dhalow (1) Qof aad u da'weyn oo carruuroobay.
dhalow (2) Qof aad u weyn oo carruuroobay noqosho.
dhalxan Malax cad oo indhuhu yeeshaan marka ay jirranyihiin ama aanay nadiif ahayn.
dhalyo Xiriirka ka dhexeeya dad dhalasho wadaaga.
dham'id eeg dhama'². ld dala'¹, dal'id, dhama'¹.
dhama' (1) 1. Dayow ka dhasha gaajo iyo harraad. 2. ld dham'id. ld dala'¹.
dhama' (2) Gaajo iyo harraad la dayoobid. ld dala'².
dhamaajee Barar dhacaan dhamaajo marin. ld dhammajee, dhamoojee, dhamooqee.
dhamaajeyn eeg dhamaajee. ld dhammaajeyn, dhamoojeyn, dhamoo- qeyn.
dhamaajo Geed dhirindhirka u eg oo dhacaankiisa bararka lagu daweeyo. ld dhammaajo, dhamoog¹, dhamoojo, dhamooq¹.
dhamac 1. Dhuxul qaxantay oo waaweyn. 2. Derin aan casaan lahayn oo faylikida u eg.
dhamacaso Balagga digirta marka uu miro la cuni karo yeesho.
dhamal Jirrid weyn, qallalan oo la shito.
dhamas (1) Geed abaareed weyn, hoos badan oo loo xiisa qaariyadaha doonyaha laga sameeyo.
dhamas (2) Ul weyn, culus, adag oo aan qornayn.
dhambaal 1. Farriin farxad leh oo cid loogu hambalyeeyo. 2. Warqad rasmi ah oo dawlado, hay'ado iwm isu diraan.
dhambaalside Qof u qaybsan qaadidda dhambaallada, Taararka. ld dhambaalwade, dhambaalwale.
dhambaalwade ld dhambaalside.
dhambaalwale ld dhambaalside.
dhambac Buur dhinaceeda hoose.
dhambacaad (1) ld dhambacaadid.
dhambacaad (2) Seexasho qof caloosha hoos marsado.
dhambacaadi Cid dhambacaad u jiifin.
dhambacaadid eeg dhambacaad². ld dhambacaad¹, dhambacaadis².
dhambacaadin eeg dhambacaadi. ld dhambacaadis¹.
dhambacaadis (1) ld dhambacaadin.
dhambacaadis (2) ld dhambacaadid.
dhambacaadsad ld dhabbacasho.
dhambacaadsasho ld dhabbacasho.
<< < 370 371 372 373 374 375 376 377 378 379 380 > >>