dhawrid eeg dhaw4. ld dhawris, dhawritaan, dhawrmo.
dhawris ld dhawrid.
dhawritaan 1. Ilaalinta wax dhibaato laga ilaaliyo. 2. Eegidda indhaha wax lagu fiiriyo. 3. Sugidda cid la sugo. ld dhawrid.
dhawriwaa (1) 1. Samir yari aan wax lala sugi karin. 2. ld dhawriwaayid.
dhawriwaa (2) Wax sugi kari waayid (cid).
dhawriwaayid eeg dhawriwaa². ld dhawriwaa¹ (2).
dhawrmo 1. Eegmo. 2. ld dhawrid.
dhawrnaan eeg dhawran. ld dhawrnaansho.
dhawrnaansho ld dhawrnaan.
dhawrsad ld dhawrsasho.
dhawrsan Qof xumaanta iyo ceebta iska ilaaliya ahaansho.
dhawrsanaan eeg dhawrsan. ld dhawrsanaansho.
dhawrsanaansho ld dhawrsanaan.
dhawrsasho eeg dhawrso. ld dhawrsad, dhawrsi.
dhawrsi Ilaalinta la iska ilaaliyo xumaan, ceeb iwm. ld dhawrsasho.
dhawrso 1. Xumaan, ceeb iwm iska ilaalin. 2. Wax ka cabsasho.
dhawrtayn eeg dhawrtee.
dhawrtaysad ld dhawrtaysasho.
dhawrtaysasho eeg dhawrtayso. ld dhawrtaysad, dhawrtaysi.
dhawrtaysi ld dhawrtaysasho.
dhawrtayso Dhawrto dad ka urursasho.
dhawrtee Dhawrto bixin.
dhawrto Deeq dad badan laga soo urursho oo sadaqo ahaan loo bixiyo.
dhax (1) Dh. ah: nafley hoygeeda habeen ka maqnaan.
dhax (2) 1. Ku dh.: meel aan buuxin. 2. U dh.: Haweeney la qabo ahaansho.
dhaxal (1) 1. Hantida qof dhintay looga haro. 2. Raad ay ilmuhu ka raacaan waalidintooda.
dhaxal (2) 1. (qaan.) Hanti ama lacag aad ka heshay qof dhintay, sababta waad lahaatay. 2. (taar.) Dhacdo taariikheed reebtana taariikh.
dhaxal (3) 1. (f.g) Hanti qof dhintay uga harid. 2. (f.g) Hanti qof dhintay looga haray qaybin. 3. (f.mg) Ka dh.: ilmuhu ka raacaan waalidintooda raadid.
dhaxalgal (1) 1. Dh. ah: wax waxtar weyn oo loo aayo leh. 2. ld dhaxalgelid.
dhaxalgal (2) Wax waxtar weyn leh noqosho.
<< < 387 388 389 390 391 392 393 394 395 396 397 > >>