Ereyga Maanta: saawir
dhayladhufaan (2) Orgi yar caana-nuugnimo xiniinyaha kaga bixin.
dhayladhufaanad ld dhayladhufaanasho.
dhayladhufaanasho eeg dhayla- dhufaano. ld dhayladhufaanad.
dhayladhufaanid eeg dhayladhufaan². ld dhayladufaan¹.
dhayladhufaano Orgi yar caana-nuugnimo xiniinyaha kaga baxsasho.
dhaylaqaad Dh. ah: weyl yar oo caato ah oo sacii laga maalay ee aan lagu dayn.
dhayli Ilmo markaas dhashay dilid.
dhaylid eeg dhayl².
dhaylin eeg dhayli.
dhaylo 1. Xoolaha ama ugaarta yaryar hilibkooda jilicsan oo aan weli adkaan. 2. ld dhayl 1 (1).
dhayloobid eeg dhaylow.
dhaylow Hilib wax karis lagu jilciyey noqosho.
dhaymo 1. Marinta dawo meel bugta la mariyo. 2. Dufan weelasha iyo alaabta dusha laga mariyo. 3. ld dhayid.
dhaynaan eeg dhayan. ld dhaynaansho.
dhaynaansho ld dhaynaan.
dhayo Meel bugta daawo marsasho.
dhayogsi-rayboniyuuglig (baay.) (Dh. asiidh) Asiidh bu'eed ka kooban tiro badan oo niyukliyootaydha ah oo u habaysan si ay u sameeyaan xidhmo keliya.
dhays D. ah: neef soo sid dhoweeyey oo candhadiisa iyo sabiishiisa ka muuqato buurnaan.
dhaysi Neef dhays yeelasho.
dhaysin eeg dhaysi.
dhayuurad ld dhayuure.
dhayuure Kulaylka qorraxda ee waqtiga duhurka. ld dhayuurad.
dhebed Haan biyood bir ah; fiin; galaw.
dhebi (1) Geed leh laamo toostoosan, caleemo balballaaran laga goosto udbaha, dhigaha iwm oo ka baxa qararka dooxyada.
dhebi (2) ld dhibi.
dhebid ld dhaw².
dhebidhisad ld dhibidhisasho.
dhebidhisasho ld dhibidhisasho.
dhebidhiso ld dhibidhiso.
dhebilisad ld dhibidhisasho.
<< < 390 391 392 393 394 395 396 397 398 399 400 > >>