dhoobammiir (1) Wax biyaha dhoobada lagaga miiro.
dhoobammiir (2) Dhoobo ka miirid (biyo).
dhoobammiirad ld dhoobammiirasho.
dhoobammiirasho eeg dhoobammiiro. ld dhoobammirad.
dhoobammiirid eeg dhoobammiir².
dhoobammiiro Biyo qasan miirasho.
dhooban (1) 1. Wax badan oo meel isugu urursan noqosho. 2. Wax salaaxmay noqosho (guri, xafiis iwm). 3. Wax waabaayo marsantahay noqosho (fallaar, gammuun iwm).
dhooban (2) 1. Wax badan oo meel ku urursan ahaansho. 2. Wax salaaxan ahaansho (guri, xafiis iwm). 3. Wax waabaayo marsantahay ahaansho (fallaar, gammuun iwm).
dhoobasho eeg dhoobo³. ld dhoobad.
dhoobbi Nin geel ijaar ku ilaasha; qowsaar.
dhoobee Wax dhoobo ku maluuqid.
dhoobey 1. Dhul markuu roob ku da'o ciiddiisu noqoto dhiiqo aan lagu socon karin. 2. Dhul ciiddiisu dhoobo tahay; carramadow.
dhoobeyn eeg dhoobee.
dhoobeysan Wax dhoobo la mariyey ahaansho.
dhoobeysasho eeg dhoobeyso.
dhoobeysnaan eeg dhoobeysan. ld dhoobeysnaansho.
dhoobeysnaansho ld dhoobeysnaan.
dhoobeyso Wax dhoobo marsasho.
dhoobid eeg dhoob³.
dhooble (juqr.) Dhagax wareegsan oo baraf weyne uu ka soo qaaday meeshiisii hore geeyayna fogaan door ah; baraf weynuhu markuu dhalaalana halkuu ku dhalaalay ayaa looga tagaa dhagaxaas.
dhooblow Koob ama baaquli dhoobo ka samaysan.
dhoobmid eeg dhooban¹.
dhoobnaan eeg dhooban². ld dhoobnaansho.
dhoobnaansho ld dhoobnaan.
dhoobo (1) Ciid budo ah, qoyan oo is haysata.
dhoobo (2) (jool.) Nooc ciidda ka mid ah oo ah budo khafiifa, oo ah ma habe. Dhoobadu waxay noqotaa balaastig marka biyo lagu daro. Dhoobadu waxay ka koobantahay dhadhaabo-lakabeed iyo aluminiya.
dhoobo (3) 1. Meel istuumin (xoolo, dad iwm). 2. Waabaayo marsasho (fallaar). 3. Dhis (guri iwm) salaaxasho. 4. Wax dhoobo marsasho. 5. Dheri iwm dhoobo ka samaysasho.
dhoobo-guduud (jool.) Nooc tuullimaad oo daboola meelaha hooseeya iyo moolka gunta bad weynta, meelahaas oo gundhererkoodu 4.000 oo mitir uu ka badanyahay; dhoobo guduudaasi waxay sida badan ka kooban tahay walaxaan orgaanig ahayn.
dhooboobid eeg dhoobow.
dhoobow Dhoobo noqosho.
<< < 422 423 424 425 426 427 428 429 430 431 432 > >>